Siideynta Qof Amar Garsoore Lagu Soo Xiray
Maqaal sharciyeed ka hadlaya xarigga, amarka soo qabashada iyo habraaca horgeynta garsoore.

Qoraal waxbarasho — dib-u-eegis sharci ayaa loo baahan yahay
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
SIIDEYNTA QOF AMAR GARSOORE LAGU SOO XIRAY Published by mkurtun on August 9, 2026 Hordhac: Marar badan waxaa dhacda in garsoore u amar soo qabasho u jaro eedeysane, kadib marka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ama Boolisku ka codsadaan si wafaqsan Qod:40-41X.H.C, kadibna marka qofkii la soo qabto la horkeeno garsoore kale oo aan ahayn garsoorihii amarka soo qabashada jaray, kadibna uu garsoorahaasi siidaayo eedeysanaha. Hadaba waxaa isweydiin mudan ma sax baa siideyntaasi? Ma jiraan qodobo u ogolaanaya in qof amar garsoore lagu soo xiray la siidaayo? Maxaa la gudboon garsooraha la horkeenay qof amar garsoore lagu soo xiray?. Si aan mowduucaas u fahanno, waxaan ka hadli doonaa qeexidda xarigga, Xaaladaha xarrigga, habraaca hogeynta qofka la soo xiro. Kow: Qeexiidda Xarigga (Arrest/القبض): Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed ma qeexin xarigga, balse waxa uu xooga saray habraacyada xarigga iyo shuruudihiisa sida ku cad Cutubta 1aad ee Buugga 2aad ee X.H.C. Fuqahada Qaanuunku waxa ay ku qeexeen Xarigga in uu yahay ” In qofka laga qaado xorriyaddiisa muddo kooban, si loogu hayo goob uu jideeyey sharcigu “ ([1]. Maxkamdda Sare ee Masar waxa ay ku qeexday Xarigga in uu yahay ” In Qofka laga qaado xurriyaddiisa isaga oo la qabanayo lana haynayo muddo kooban, si loogu diyaariyo sidii loo marsiin lahaa habraacyo ka dhan ah isaga ” ([2](. Waxa kale oo ay ku qeexday mar danbe ” In la xaddido xorriyadda qofka ee dhaq-dhaqaaqa isaga oo uu qabanayo mid ka mid ah saraakiisha dowladda, isaga oo aan dhaq-dhaqaaqi karin ogolaanshohood la’aantiis ” ([3(. Marka aan soo koobno xarrigga waa ” In qofka xorriyadda laga qaado muddo kooban si loo horgeeyo garsoore awood u leh si xarigiisa loo xalaaleeyo ama xorriyaddiisa dib loogu celiyo “ Labo: Xaaladdaha Xarigga: In qof la xiro waxa ay ku timaadaa laba xaaladood, xaaladda koowaadi waa in qofka la oo xiro iyada oo aan la haysan amar garsoore. Xaaladda labaadina waa in qofka lagu soo xiro amar garsoore. Xaaladaha xarigga amar garsoore la’aantiis: Amar garsoore la’aantiis cidda wax xiri kartaa waa saddex qolo keliya, waxa ayna kala yihiin: Garsoore, Xeer-ilaaliye iyo Sarkaal Boolis ah, sida ku cad Qod:34X.H.C. Xaaladaha qofka lagu xiri amar garsoore la’aantiis waa dhowr xaaladood, xaalad ay waajib tahay iyo xaalad ikhtiyaar tahay. Kow: xaaladaha uu waajibka yahay xariggu: Xaaladaha uu waajibka yahay xariggu iyada oo aan la haysan amar garsoore, waxaa lagu nidaamiyey Qod:35 X.H.C, waxaana ka mid ah xaaladahaas marka uu qofku gacanta kula jiro denbiyada kala ah: Denbi kasta ama isku-day kasta oo ku saabsan denbiyada lidka ku ah shakhsiyadda dowladda ciqaabtiisuna tahay Xarig (Shan maalin ilaa shan iyo toban maalin Qod:98X.C) ama ciqaab adag. Qod: 35/1.a.X.H.C. Denbi kasta ama isku-day denbi, kuwaas oo kala ah denbiyada soo socda: Ka baxsashada xabsi sharci ah (escape from lawful custody) (Qod:305X.C). Burburin iyo dhac (devastation and pillage) Qod:324 X.C. Burburin, dhac iyo Gowrac (Devastation, Pillage, and Slaughter) Qod:222X.C. Kas u sababidda cuduradda faafa (knowingly causing epidemics) Qod:334 X.C. Sumaynta biyaha ama cuntada (poisoning of water or food) Qod:335 X.C. Kufsi (carnal violence) Qod:398 X.C. Fal salaaxid ah oo xoog lagu sameeyo (act of lust committed with violence) Qod:399 X.C. Galmo aan dabiici ahayn oo xoog lagu galo (unnatural offences committed with violence) Qod:400 X.C. Afduub ujeedadiisu tahay salaaxid (abduction for purpose of lust) Qod:401 X.C. Ka soo ridida haweeney uurleh ilmo iyada oo aan ogolaansho laga haysan (abortion without consent) Qod:418 X.C. Dil kas ah (murder) Qod:434X.C. Dilidda caruurta sabab la xiriirta Sharaf awgeed (Infanticide for Reason of Honor) Qod:435 X.C. Ku sababidda dhimasho qof kale isaga oo raali ah oo ay la socdaan duruufaha denbigab cusleeya (death caused to a person with his own consent with aggravating circumstances) Qod:436/2 X.C. Dhaawac culus ama aad u culus (grievous or very grievous hurt) Qod:440/2/3 X.C. Dil kas dhaaf ah (preterintentinal homicide) Qod:441 X.C. Safayn ay la socoto duruufaha denbiga cusleeya (affray with aggravating circumstances) Qod:444/2/3 X.C. Aflagaado ay la socoto duruufaha denbiga cusleeya, taas oo qaranku dhaqaajiyo (insult with aggravating circumstances in respect of which proceedings are initiated by the State) Qod:451/2/c/d X.C. Adoonsi (reduction to slavery) Qod:455X.C, iyo Kaganacsiga adoomaha (dealing and trading in slaves) Qod:456 X.C. Xoog ku qabshasho qof (enforced subjection) Qod:458X.C. Xirasho qof kale (seizure of a person) Qod:460 X.C. Xatooyada qaranku dhaqaajiyo (theft in respect of which proceedings are initiated by the State) Qod:480-481X.C. Dhac (robbery) Qod:484 X.C. khasbid ama dirqiyid (extortion) Qod:485 X.C. Dilidi ama dhaawicid xoolo qof kale leeyahay taas oo qaranku dhaqaajiyo dacwadeeda (killing or injuring of animals belonging to another in respect of which proceedings are initiated by the State) Qod:494/2 X.C. Denbi kasta oo kale oo sharcigu waajibiyey in qofka la xiro haddii la qabto isaga oo gacmaha kula jira. Labo: Xaaladaha uu xariggu ikhtiyaari yahay: Xaaladaha xariggu ikhtiyaarka yahay, waa laba xaaladood. Xaaladda kowaadi waan in qofku gacanta kula jiro denbiyo gaar ah. xaaladda labaadina waa in marka qofka looga shakisan yahay in uu denbi galay. Marka qofku gacanta kula jiro denbiyo gaar ah: Waxaa jiro xaaladdo aysan waajib ahayn in qofka la xiro haddii la arko isaga oo denbi gacanta kula jira, balse ay banaan tahay in la xiro si waafaqsan Qod:36 X.H.C. Waxaana ka mid ah xaaladaha ay banaan tahay in la qofka la xiro iyada oo aan la haysan amar soo qabasho, marka uu gacnta kula jiro denbiyada kala ah: Denbi ciqaabtiisa meesha ugu saraysaa ay ka badan tahay sannad ama ciqaab ka adag, sida ciqaabta Denbiga dhaawaca fudud ee ku xusan Qod:440/1 X.C, kaas oo ciqaabtiisa meesha ugu hooseysaa ay tahay saddex bilood, meesha ugu saraysaana ay tahay saddex sanno. Taas oo macnaheedu yahay in ciqaabta denbigan meesha ugu saraysaa ay ka abdan tahay sannad. Denbiyada la xiriira Sakhraamidda. (Qod: 413,414,415 X.C). Denbiyada la xiraara Hubka, Rasaasta iyo waxyaabaha qarxa (Qod:325, 540/2 X.C) iyo 34 , 37 ee Xeerka Nidaamka Guud, Xeer Lr.21 ee soo baxay 26/08/1963). Denbiyada qabashada ciyaaraha qamaarka. (Qod:553,554,555 X.C). Denbiyada haysashada Furayaal ama agabka wax lagu jebiyo sabab la’aan (Qod:542X.C), hayshada waxyaabo qiima leh sabab la’aan (Qod:543X.C), haysashada Xoolo sabab la’aan (Qod:544X.C). Denbiyada la xiira waxyaabaha khatarta ah ama maandooriyaha. (Qod:340,341,342,343 X.C), Law No.46 ee soo baxay 3/3/1970 ee ke saabsan nidaaminta soosaarka maandooriyaasha, kaganacsigooda iyo isticmaalkoda. (DISCIPLINA DELLA PRODUZIONE, COMMERCIO ED IMPIEGO DEGLI STUPEFACENTI, L. 3 MARZO 1970, N. 46). Denbiyada ciqaabtoodu ay tahay xabsi, ee ay galaan dadka kala ah: Qof lagu siidaayey Damanad. Qof caadeyste denbi ah. (Qod:61 X.C.). Denbi kasta oo kale oo sharcigu waajibiyey in qofka la xiro haddii la qabto isaga oo gacmaha kula jira. Marka qofka looga shakisan yahay in uu denbi galay: Waxaa jira xaalado ay u bannaan tahay Sarkaalka Booliska ah in uu qabto qof isaga oo aan wadan amar garsoore, sida ku cad Qod:38X.C, waxaana ka mid ah xaaladahaas: Marka ay jirto xaalad lagama maarmaan ah oo degdeg ah iyo sababo macquul ah oo la rumaysan yahay: In qofka la rabo in la qabto uu galay denbi ciqaabtiisa meesha ugu saraysaa ay ka badan taahy Toban Sanno([4]) ama ciqaab ka adag. In aan markaas la heli karin amar garsoore. Haddii la rumeysan yaahy in aan la heli doonin qofkaas mar kale haddii aan si degdeg ah loo xirin. Marka uu qofku u diido Booliska in uu lawadaago xogtiis gaarka ah oo dhammaystiran oo ay ku jirto meesha uu degan yahay, ama uu u sheego xog uu u arko Sarkaalka Booliska ahi in ay tahay xog been ah, sida ku cad Qod:50/2 X.H.C. Labo: Horgeynta Garsoore qofka lagu soo xiray: Marka qof la soo xiro amar Garsoore la’aantii, waxaa waajib ah in muddo Afartan iyo Sideed (48) Saac gudohood lagu horgeeyo Garsoore. Horgeyntaasi waa xaq Dastuuri ah oo uu leeyahy qof kasta oo la xiro, sida ku cad Qod:35/6aad ee Dastuurka Cusub ee soo baxay 14/05/2026 iyo Qod:35/5aad ee Dastuurkii hore ee ku-meelgaarka ahaa ee soo baxay 01/08/2012. Xaqaas dastuuriga ah waxaa sidoo kale lagu xusay Xeer-ka Habka Ciqaabta soomaaliyeed sida cad Qod:39/1aad ee X.H.C. Horgeyntu waa laba qaybood, mid kastana waxa ay leedahay habraac u gaar ah. midda koowaadi waa horgeynta qof lagu soo xiray isaga oo aan la haysan amar Maxamakdeed, waxaana lagu nidaamiyey Qod:39 X.H.C. Midda labaadina waa horgeynta loo sameeyeyo qof lagu soo xiray amar Maxkamadeed, iyadana waxaa lagu nidaamiyey Qod:45 X.H.C. Sidaa darteed waxaan isla eegi doonaa habraaca labadaas xaaladood. Kow: Horgeynta qof lagu soo xiray amar Maxkamadeed la’aantiis Qod:39 X.H.C: Marka qof lagu soo xiro amar Maxamadeed la’aantiis, waxaa waajib ah in si deg-deg ah oo aan daahitaan lahayn loo horgeeyo muddo aan ka badnayn (48) saac gudohood garsoore awood u leh, haddii aanay suurgal ahayn in la horgeeyo garsoorihii awoodda u lahaa, waxaa waajib ah in la horgeeyo garsooraha jooga Maxakadda ugu dhow. Sabaabta loo leeyahay haddii la waayo garsoorihii awooda u lahaa in la geeyo garsooraha ugu dhow, waa in aan qofna xirnaan muudo ka badan 48 saac, si loo ilaaliyo xoriyyada qofka. Sarkaalka Booliska ah ee qofka xiran horgeynta u samaynaya, waxaa waajib ku ah inta uusan horgeynta samayn in uu soo diyariyo warbixin, taas oo ay ku cad yihiin arimaha soo socda: In uu soo bandhigo dhacadada iyo sababaha keenay xarigga. Faahfaahinta cadaymaha uu soo ururiyey. In uu ka warbixiyo haddii ay suurtagal tahay xogta qofka la soo xiray, dhibanaha iyo dadka xog ka haya dhacadada iyo durufeheeda. Qod:39/2 X.HC. Garsooraha la horkeenay qofka xiran, marka uu qiimeeyo warbixinta Sarkaalka Booliska ah, waxa uu qaadayaa talaabooyinbka soo socada: Haddii ay jiraan xaaladaha ku xusan Qod:70/2 X.H.C, xaaladahaas oo ah xaaladaha qofka aan la maxkamadayn karin, waxaa in uu go’aamiyaa in aan qofkan la maxkamadayn karin si waafaqsan Qod:77 X.H.C, kadina waa in uu amraa in la siidaayo qofka xiran. Haddii uu arko in denbiga qofka loo soo xiray uusan ahayn denbiya la ogol yahay in qofka la xiro sida ku cad Qod:42,43 X.H.C, ama an loo fulin qabashada sida ku xusan Qodobada 35,36,38,50 X.H.C, waxa uu amrayaa in la siidaayo qofka xiran. QOD:39/3/A , B, XH.C). Wixii aan ahayn xaaladaha sare lagu soo sheegay, waxa uu xalaalaynaya xarigga, waxa uuna soo saarayaa amar xabsi kuhayn ku-meelgaar ah si waafaqsan Qod:46. Waxa kale oo u furan in uu damaanad ku sii daayo si waafaqsan Qod:59,60 X.H.C. Qod:39/3/ C, XHC. Haddii xarigga aan laga ansixin garsoore muddo 8 maalin gudohood ah oo ka bilaabmanaysa maalinta la soo xiray, xarigaasi waxaa laga soo qaadayaa mid laalan sharci ahaan, waxaana waajib ah in qofka xiran sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo. Qod:39/4 XHC. Xaaladaha uu go’aansado garsooruhu in uu xariga ansixiyo ama uu damaanad ku sii daayo, waxa waajib ku ah garsooraha: in uu u sharxo eedeysanaha nuxurka eedda loo haysto. in uu ku baraarujiyo marxaladdan in aanu ku khasbanayn in uu warbixin bixiyo, balse haddii uu warbixin dhiibo loo isticmaali karo cadayn lid ku ah isaga. In uu diiwaangeliyo wixii warbixin ah ee uu bixiyo. Qod:39/5 XHC. Uma banaana Garooraha in uu wax weydiiyo qofka xiran, marka laga reebo in qofka xirani uu isagu dalbado in uu warbixin bixyo ama wax weydiintu tatay mid wax lagu fahamsiinayo.Qod:39/6 XHC. Waxaa waajib ah in la gaarsiiyo go’aamada ka soo baxay garoosraha, waxaana gaarsiinaysaana sarkaalka Booliska ah ee waday qofka xiran: Xeer-ilaaliyaha Guud. Maxkamadda awoodda u leh, haddii aan la horgeyn marka hore gorsoore ka tirsan Maxkamadaas. Qod:39/7 XHC. Labo: Horgeynta qof lagu soo xiray amar Maxkamadeed Qod:45 X.H.C: Marka qofka lagu soo xiro amar Maxakamadeed, haddii aan lagu siideyn siideen kumeelgaar ah oo ka soo baxday garsoorihii markii hore soo saaray amarka soo qabashada sida ku cad Qod:62/2X.H.C, waxa waajib ah: In qofka xiran la horgeeyo garsoore awood u leh. Ama garsoore ka tirsan Maxkamadda ugu dhow meesha lagu qabtay, haddii Maxkamadda awooda u leh ay ka fogtahay meesha lagu qabtay konton kiiloomitir. Garsooraha la horkeenay, waxa uu dabaqayaa axkaamta ku xusan Qod:39/C, oo ah in uu xalaaleeyo xarigga eedeysanaha, islamarkaana uu amro xabsi kuhayn ku-meelgar ah. Waxa kale oo u furan in damaanad ku siidaayo. Halkaas waxaa ka cad in aanu garsooraha ay isku darajada yihiin garsooraha soo saaray amarka xariga uusan awood u lahayn in uu sii daayo qof lagu soo xiray amar Maxkamaadeed, sharciguna u siiyey keliya in uu xabsiga ku-meelgaar ah amro ama in uu damanad ku sii dayo. Waxaa kale oo cad in ay kala duwan yihiin habraaca qof lagu soo xiray amar Maxkamadeed iyo qof aan lagu soo xirin. Intaas waxaa dheer in cidda burin karta amarka soo qabashada ee ka soo baxay garsoore ay tahay Maxkamad ka saraysa oo racfaan ama durid looga qaatay go’aankii amarka xarigga. Tusaale haddii u garsoore Degmo ama Gobol uu soo saaro amar soo qabasho, waxaa burin kara amarkaas Maxadda Racfaanka hadii racfaan loo qaato looga cabanayo go’aanka xarigga. Haddii go’aanka xariggu ka soo boxo garsoore Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka, kadibna la horgeeyo gasroore kale oo la Daraja ah oo ka tirsan Maxkaamadda Gobolka, awood uma laha in uu buriyo amarka xariga, haddii uu buriyana waxa ay noqonaysaa in uu buriyey go’aan garsoore isaga la daraja ah, arintaasina waxa ay khilaafsan tahay nidaamka kala saraynta Maxkamaddaha, kuwaas oo isu burin kara sida ay u kala sareeyaan. Go’aanada ka soo baxa Maxaadda Degmooyonka iyo kuwa Gobolka, waxaa ka saraysa oo racfaan looga qaadan karaa Maxkamadda Racfaanka, Maxkadda Racfaankana waxaa looga caban karaa go’aanadeeda Maxamadda Sare. Si aan loo sidayn qof lagu soo xiray amar garsoore, sharcigu waxa uu waajibiyey in aan la sii deyn karin qofka, xataa haddii habqoraalka amarka soo qabashadu aanu waafaqsaneen habqoraalka amarka sooqabashada ee ku xusan Qod:41X.H.C, si waafasan Qod:41/2 X.H.C. DHAMAAD
Xusuusin ku saabsan daabacaadda
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
Qoraalka asalka ah waxaa loo keydiyey sidii loo soo gudbiyey. Qoraalka iyo sawirrada waa in la hubiyaa in oggolaansho dib-u-daabacaad loo haysto.