Maqaallo Soomaali ah

Kiiska Qaylo Ka Timi Waa Hore

Sheeko baaritaan oo ku saabsan dhacdo dil, caddeymo saynis ah, faro iyo sir qoys oo maxkamad dhexdeeda soo baxday.

Boodh xayeysiis Carabi ah oo la soo gudbiyey kuna saabsan sheekooyin kiisaska
Sawir tusaale ah. Sawirka boodhka ah waxaa soo gudbiyey milkiilaha codsiga; oggolaanshaha dib-u-daabacaadda waa in la xaqiijiyaa ka hor sii-daynta dadweynaha.

Qoraal waxbarasho — dib-u-eegis sharci ayaa loo baahan yahay
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.

Qoraalkan waa sheeko kiis oo la soo gudbiyey. Lambar dacwad, maxkamad iyo xukun rasmi ah oo la xaqiijiyey laguma darin; sidaas darteed looma soo bandhigayo precedent ama go’aan maxkamadeed.

KIISKA QAYLO KA TIMI WAA HORE (صرخة من الماضي) Published by mkurtun on June 1, 2026 Xiligu waa qabow waana bisha koowaad, waxaan imi gurigeyga habeen-barkii aniga oo ku soo daalay shaqadii maalintaas. Waxaan ka shaqaynayey baarista kiis weyn oo dil ah, markii aan isu diyaariyeye in aan seexdo oo aan indhaha isgeshay, ayaa la isoo wacay, taleefanka intaana qaban ayaa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday in la ii soo wacayo kiis dhacay, waxa aan qabtay aniga oo hurdeysan, kadibna waxa la ii sheegay in kiis dil ahi uu ka dhacay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada oo ah xaafad caan ku ah isticmaalka iyo kagacsiga maandooriyaha, qofka la dilayna uu yahay nin aan la garanayn haybtiisa. Intaas ayey ku ekeed warbixinta uu isiiyey qofkii isoo wacay. Waxaan isu diyaariyey in aan tago goobta denbigu ka dhacay, aniga oo daalan, waxaana ka bartay intii aan ka shaqaynayey Xafiiska Xeer-ilaalinta in Xeer-ilaaliyuhu uu diyaar yahay xilli kasta, habeen, maalin, qabow iyo kulayl intaba, waana in uu soo jeedo oo uu baraarugsan yahay xili kasta, waxa uu la mid yahay askariga waardiyaha ku qoran. Waxaan tagay goobtii falku ka dhacay, waxaana ku qaabilay goobtii Taliyaha Booliska ee degmada denbigu ka dhacay, Taliyaha guud Baaritaanka denbiyada iyo Saraakiil kale. Waxaan weydiiyey waa kuma dhibanaha kiisku ? waa kuma eedeysanuhu ? maxay tahay sababaha keenay denbiga? maxaa laga helay goobta denbigu ka dhacay? Ma jiraan dad markhaati ah oo goobta joogay? Inta badan kiisaska dilka ah waxaa xooga la saaraa in goobta laga helo cadaymo cilmi ah, sida faraha iyo wixii la mid ah. Boolisku waxa ay ii sheegeen, markii ay soo gaartay warbixinta denbi, in ay yimaadeen goobta denbigu ka dhacay. Markii ay goobta yimaadeen dadkii deriska ahaa waxa ay u sheegeen in ay maqleen qaylo kadibna ay yimaadeen meesha ay qayladu ka yeereyso, markii ay yimaadeena ay arkeen dhibanihii oo meyd ah oo dhulka yaal, dhiig badanina ka baxayo iyo gabadh gancata ku haysata Mindi dhiig ka da’ayo, isla markaana qaylinaysa qaylo aad u daran. Waxaa la weydiiyey gabadhii qofka ay tahay? xiriirka ka dhexeeya iyada iyo Marxuumka? balse waa ay diiday in ay hadasho, keliya waa ay ilmaynaysaa, iyda oo argagaxsan isla markaana jaraynaysa, waxa ay u muuqataa qof aan fahamsaneen waxa dhacay, meesha ay joogto iyo dadka meesha joogaba. Muuqal ahaan waxa ay u egtahay qof wanaagsan, farqi weyn ayaana u dhexeeya iyada iyo dhibanaha, oo ah nin weyn oo ku nool qol baab’a ah oo wasakh badan, waxaa markiiba imaanaysa in la isweydiiyo waxa ka dhexeeya? Baaritaanka hordhaca ah ee ay Boolisku sameeyeen waxa ay baareen Boorsadeeda waxa ay ka heleen kaarkeeda, waxa ay sidaas ku ogaadeen eedeysanaddu qofka ay tahay. Waxaa la ogaday in ay tahay ardayad dhigata Jaamacad gaar ahaana qaybta caafimaadka iyo in ay sanadkii ugu danbeeyey ay ku jirto. Markii la sii baaray kaarkeeda shakhsiga ah, waxaa la ogaadya in ay tahay gabadh uu dhalay mid ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan Masar. Su’aasha yaabka leh ee mar kasta soo laabanaysa waxa ay ahayd muxuu yahay xiriirka ka dhxeeya eedeysanadda iyo dhibanaha oo ah qof aan la garanayna qofka uu yahay, duruufta uu ku nool yahayna ay tahay mid aad u liidata? Maxay tahay sababta keentay goobtan aadka u liidata isla markaana caanka ku ah kagacsiga maandooriyaha? Waxaan bilaabay in aan baaro dharka dhibanaha oo aad wasakh u ah, kuwaas oo aad moodo in aan muddo la dhaqin, ur aad u daranna ay ka urayso. Waxaan ka helay dharkiisa kaarkiisa aqoonsiga, waxaana ogaaday magacaiisa oo afaran iyo meesha uu ku dhashay. Waxaan ku qoray galkii baarista wax kasta oo aan ka helay goobta denbigu ka dhacay. Qolka denbigu ka dhacay ee uu degan yahay dhibanuhu waxa uu ku yaal meesha ugu saraysa dabaqa, waxa dhex yaal ma jiro aan ka ahayn Joodari dhulka goglan oo uu ku seexdo, waxaa kale oo yaal haashka sigaarka laga cabo oo qayb ka mid ah ku dhex jiraan maandooriye, kuwaas oo uu cabayey marka uu dhacayey falku. Waxaa kale oo dhex yaalay haraaga cunto, makiinadda Qaxwaha lagu samaysto, Haan Gaas ah, laba koob oo midna Shaah lagu cabay midna Qaxwe, Silingeyaal ay ku jiraan maandooriye. Waxaas oo dhan waxaan u sheegayaa in ay muhiim u tahay qofka baaraha ah in uusan waxba fududeysan, sidoo kalena in uu baarista ku cadeeyo wax kasta oo goobta yaal. Markii aan arkay dhibanaha waxa uu ahaa nin ku jira da’da todobaatanka, waxaa ku yaalay dhowr mindiyood oo dhinaca Bidix ee shafka kaga yaalay, dhiig fara badan ayaan ka baxay oo dhulka iyo joodarigaba qooyey. Waxaa ka muuqatay Fakhri iyo in uu nolol adag ku noolaa. Waxaa la hordhigay eedeysanaddii in loo haysto dil kas ah oo qorsheesan, waxa ay ku adkaysatay in aysan hadlin oo ay aamusnaato. Sarkaal ka mid ah saraakiisha Baarista denbiyada oo aan ku aqaan karti ayaa dhegta si hoose waxa uu iigu sheegay in eedeysanaddu ay meteleyso in ay tahay qof caqli ahaan isku dhexyaacsan, maadaama ay dhigato caafimaadka, laguna qabtay denbiga iyada oo gacanta kula jirta, waxa keliya oo u furanina ay tahay in ay metesho in ay caqli ahaan isku dhex yaacsan tahay. Markii aan dhameeyey baarista hordhaca ah, waxaan soo saaray go’aamo muhiim ah si aan xal ugu helo halxiraalaha kiiska. Waxaan soo saaray amarada kala ah: In loo gudbinayo khuburada cadaymaha cilmiga ka shaqeeya Mindida goobta laga helay iyada oo ay gacanta ku hayso eedeysanaddu si ay u soo saaraan faraha Mindida. In Boolisku sameeyaan baarista qofka uu yahay dhibanuhu, iyaga oo adeegsanaya kaarka laga helay gurigiisa, si loo ogaado taariihsiisa, xiriirka ka dhexeeya isaga iyo eedeysanadda, si aan u helno xogta ku saabsan sababata ku kaliftay eedeysanadda in ay disho dhibanaha. In loo yeero aabaha iyo hooyada gabadha dhalay si wax looga weydiiyo kiiska, gaar ahaan in ay gartaan Marxuumka oo meydkiisa lagu riday Tallaagad. In loo yeero dhakhtarka sharciga si uu u baaro Dhiiga iyo Kaadida eedeysnadda, si looga baaro in ay cabsaneed waxyaabaha maanka dooriya iyo in kale xiliga denbigu dhacay, maadaama goobta laga helay gabadha ay tahay meel caan ku ah maandooriyaha. In loo diro dhakhtarka sharciga ah gaar ahaan shaybaarka maandooriyaasha haashahakii sigaarka ahaa ee laga helay qolka dhibanaha, si loo xaqiijiyo in ay maandooriye yihiin iyo in kale, iyo nooca maandooriye haddii laga helo. Markii ay yimaadeen aabaha iyo hooyada dhalay eedeysanadda, waxaan geeyey goobtii uu yaalay meydka marxuunku. Intii aan u sii soconay goobta meydku yaal, waxaan is weydiinayey in su’aalo badan oo lagu wareersan yahay jawaab loo heli doono marka ay arkaan meydka marxuunka. Waxaan amary in qofba mar la tuso meydka isaga oo keligiis ah, waxa ay labaduba isku raaceen in aysan aqoon u lahayn marxuunka, horena aysan u arag. Waxaan wejigooda ka dareemay quus iyo in qadartu ku soo riixday Mowjado waaweyn iyo dabaylo kala dhex galay rajadii ay qabeen ee ahayd in ay tagaan xeerbka xaqiiqda. Intaas kadib waxaan baarista ku diiwaan geliyey wixii ay ka yiraahdeen markii ay arkeen marxuumka, kadibna waxaan amray in baaris caafimaad lagu sameeyo meydka dhibanaha, si loo cadeeyo sababta dhimashada iyo agabka loo adeegsaday dhimashada. Waxaan u yeeray eedeysanaddii si ay u hadasho, waxaan hor dhigay kaarka aqoonsiga ee marxuumka weliba aniga oo indheheeda u soo dhoweynaya, balse waa ay diiday in ay fiiriso, wejigana wey ka jeedisay, taas oo macnaheedu yahay in aysan rabin in ay aragto sawirkiisa. Waxaan u sheegay in aamusku uusan dan u ahayn iyada iyo waalidkeedba, aniga oo si kas u soo xasuusiyey aabeheed in uu yahay nin diktoor ah oo caan ah aadna loo ixtiraamo, hooyadeedna sidoo kale ay tahay dhakhtarad la yaqaan oo ixtiraam leh, danteeduna ay ku jirto in ay hadasho. Waxa kale oo aan xusuusiyey meesha laga helay in ay tahay meel aan u qalmin. Waxaas oo dhan waxa ay kaga jawabtay in ay aamusto sidii qof dhegola’. Ugu danbayn waxaan dib u weydiiyey in ay xaqiiqda sheegto iyo waxa ka dhexeeyey iyada iyo marxuumka, balse wey diiday. Waxaa ay si lama filaan u bilowday xanaaq iyo oohin ay la socoto qaylo, waxaan dareemay in ay ku jirto xaalad quus ah, kadibna waxa ay ku dhacday dhulka. Waxaan amray in la geeyo mid ka mid ah Hosbitaalada dowladu leedahay si loo siiyo wixii dawooyin ah ee ay u baahan tahay, isla markaana ay saaraan ilaalo adag iyo in aysana u ogolaan in ay la xiriirto cid kale oo aan ka ahayn dhakhaatiirta daweyneysa, sidoo kalena in loo xilsaaro kalkaaliso si dhow ula socota xaaladeeda, si aysan nafteeda halis u gelin. ✺ ✺ ✺ Waxaan sii waday baaritaankaygii, waxaan u yeeray dhammaan dadkii deganaa dabaqa uu deganaa dhibanuhu. Waxaan su’aalo weydiiyey dadkii ugu horeeyey ee soo galay qolka dhibanaha, waxa ayna sheegeen in ay u yimaadeen eedeysanadda oo gacanta ku haysa mindi dhiig ka da’ayo oo qaylinaysa isla markaana ku jirta xaalad kacsan, waxa kale oo ay sheegeen in ay arkeen dhibanaha oo dhulka yaal, qayb jirkiisa ka mid ahina ay dhulka taal qaybta kalena ay joodariga dul taal, dhiig badanina ka baxayo. Waxaan weydiiyey dhammaantood in ay hore u arkeen eedeysanadda, waxa ay isku raaceen in aysan hore u arag, wax ay ka garanayaanna aysan jirin. Waxa kale oo ay sheegeen xataa in aysan xog fiican ka hayn dhibanaha laftiisa, aan ka ahayn in uu qolkaa degan yahay, muddo aan saddex bilood ka badnayna uu degan yahay, xilliyo kala duwan oo kala fogna uu yimaado. Waxaan u yeeray ninkii iska lahaa dabaqa si aan u weydiiyo xogta marxuunka, waxa uu ii sheegay xogtii hore ay dadku iigu sheegeen. Waxaan weydiiyey sababta uu u dejiyey qollka? xiriirka ka dhexeeya? Kiro in uu ku degan yahay iyo in kale? haddii uu kiro ku degan yahay kiradu inta ay tahay? Waxa uu ii sheegay in dhibanuhu uu u yimi, kadibna uu duruuf daran u sheegtay. Waxa uu u sheegtay in xaaskiisii iyo caruurtiisii oo saddex ah ay si lama filaan ah ugu dhinteen shil gaari, sidaasna uu ku noqday qof aan ehel lahayn, dadkana dawersada. Intaa markii uu i sheegay waan la damqaday, markii uu iiga waramay noloshiisa isaga oo ilmaynaya, ilaahayna ka baryaya in uu cimrigiisa soo dedejiyo. Intaas kadib waxaan u ogolaaday in uu dego qolka sare ku yaal ee uu hadda deganaa. Intaa waxa uu ku daray in aan la arag inta badan marka uu guriga ka baxayo iyo marka uu soo galayo toona, bilihii ugu danbeeyeyna uusan ka soo bixi jirin qolka sidii in xabsi looga dhigay oo kale ilaa uu ka dhintay. Waxaan weydiiyey intii uu deganaa wax gaar ah oo aad ku aragtay ma jiraan? Maxadse isdhi kartaa waa ay sababatay dhimashadiisa? Waxa uu iigu jawaabay in aragtidiisa iyo waxa ay maskaxdiisu sawrianayso ay tahay in uu ahaa qof nolosha ka quustay, wax raja ahna aan kalahayn, rajaynaya in uu dhinto, si uu uga nasto dhibaatooyinka iyo dhaawacyada noloshsa, kuwaas oo aan loo hayn wax lagu daweeyo. Waxa ay ila tahay in uu isagu isdilay si uu uga nasto nolosha dhibteeda. Waxaan weydiiyey waxa uu ku dhisay natiijadaas? Waxa uu ii sheegay in uu kala soo dhex baxay nolosha uu ku jiray iyo marar badan oo uu ii sheegay in nolosha uu ku jiro ay dhimashad u dhaanto. Si aan u xaqiijiso aragtida uu ila wadaagay ninka guriga dejiyey dhibanaha, waxaan amray in dhakhaatiir kale ay baaritaan ku sameeyaan meydka marxuunka, si loo kala xaqiijiyo in ay suurta gal tahay cilmi ahaan in dhaawacyada ku yaal uu isagu isku dhuftay iyo in lagu dhuftay. Baaritaankii aan u diray Booliska ee ku saabsanaa in ay raadiyaan xogta dhabta ah ee dhibaha ayaa soo baxday. Baaritaanka waxaa lagu ogaaday in kaarka laga helay guriga dhibanaha uu yahay kaar been abuur ah, oo uusan ahayn qofka ku qoran kaarka. Waxaa laga soo ogaaday diiwaanka dhalashada afar qof oo keliya in ay wadaagaan afarta magac. Afartana markii la baary waxaa la ogaaday in dhammaantood ay ka duwan yihiin dhinaca hooyada, da’da iyo shaqada (Taas macnaheedu waa in dowladda ay u diiwaan gashan yihiin afar qof keliya oo leh afata magac ee dhibabaha, isaguna uusan ku jirin afartaas oo ay yihiin dad kale). Waxaan soo saaray go’aan lagu faafinayo sawirkiisa baraha warbaahinta, waxaana lala socodsiiyey dadka in ay Xeer-ilaalinta la soo wadaagaan xogtiisa ciddii garanaysa. Maalmo markii ay ka soo wareegtay faafinta, ayaa waxaa ii yimi askari, waxa uuna igu yiri qof ayaa ku raba in uu kula kulmo, markii aan weydiiyey waxa uu rabo waxa uu ii sheegay in uu hayo xog muhiim ah uuna rabo keliya in uu adiga kuu sheego. Waxaan amray in la soo geliyo. Waxaan furay buugii baarista, waana dhaariyey sida uu sharcigu dhigayo. Dhaar kadib waxa aan weydiiyey waxa uu ka ogyahay dhibanaha, waxa uuna ii sheegay in uu yaqaan magaciisana la yiraahdo Ismaaciil. Waxaan weydiiyey waxa loogu daro? Waxa uu iigu jawaabay in uusan xasuusan wax loogu daro. Waxaan ku celiyey ma hubtaa in magaciisa Ismaaciil la yiraahdo? Waxa uu yiri waxaan u hubaa sida aan u hubo in aan ku hor taaganahay. Waxa uu sheegay in ay xabsiga ku wada xirnaayeen, loona xiray kiis la xiriira maandooriye, laguna xukumay toban sanno oo xarig ah, xabsigana uu ka soo baxay lix bilood wakhti ku dhow, kadib markii uu ciqaabta soo dhamaystay. Waxa uu intaa raaciyey in uusan wax kale ka aqoon, sababta oo ah inta uu xirnaa, waxa uu ahaa qof aan cidna la hadlin, waayihiisana laabta ku haysta, cid soo booqan jirtayna aysan jirin, intaas waxa uu ku daray in isaguna uu xabsiga ka soo baxay laba bil kadib markii uu dhibanuhu soo baxay, joornaalkana uu ku arkay sawirka dhibanaha sidaasna uu ku yimi xeer-ilaalinta. Waxaan u yeeray taliyihii baarista, waxaana la wadaagay xogtii markhaatiga, kadibna waxa uu igu yiri baaritaan kale oo degdeg ah aan ku sameeyo markhaatiga, isaga oo u arkayey in laga heli karo xogo kale oo muhiim ah. Waxaa ii sawirantay in xogta uu ninkaasi bixiyey ay iftiin ku furtay wadadii mugdiga ahayd ee ay maraysay cadayntu, si loo gaaro xaqiiqda dhabta ah taas oo ilaa hadda naga qarsoon. ✺ ✺ ✺ Taliyihii baaristu markii uu waraystay markhaatigii, waxa uu aaday xabsigii ay ku xirnaayeen, waxa uuna dalbaday faylkiisa in loo keeno. Markii loo keenay ee uu akhriyey waxaa u soo baxday ugu horeyn in sawirka faylka ugu dhegsan uu isaga yahay, waxa kale oo uu ogaaday in hore loogu xukumay toban sanno oo xabsi ah, taas oo ah ciqaabta isku-day dil oo uu u geystey xaaskiisa. Markii uu dhammaystay ciqaabta isku-dayga dilka, waxa uu xabsiga dib ugu laabtay lix bil kadib, isaga oo lagu eedeeyey in uu ka ganacsado maadooyinka daroogada ah, waxaana lagu xukumay toban sanno, taas oo u soo dhamaatay lix bilood ka hor inta aan la dilin. Waxaan raadinay xaaskiisa, waxaana xog ku helnay in markii ninkeedu isku dayey in uu dilo dhakhtarka la geeyey, markii ay ka soo baxdayna ay dhuumatay, meel ay joogtona aan la garanayn. Waxaan baaritaan ku samaynay magaceeda oo afaran, waxaa laga soo helay diiwaanka dad-dhigista shan qof oo ay isagamid ka yihiin afarta magac. Waxaan baaritaan ku ogaanay in shantoodaba midna aysan la kulmin isku-day dil. Baaritaankii ayaan sii wadnay si aan u helno xaaska dhibanaha xogteeda in ay nooshahay iyo in ay dhimatayba. Markii ay soo baxday warbixintii sheybaarka Faraha, waxaa la yaab noqotay in Mindidii loo diray sheybaarka laga helay saddex qof Farahood!. Midi waa Faraha dhibanaha, midda labaadina waa Faraha eedeysanahadda, tan saddexaadina waa qof aan la garanayn! Waxaa Faro laga qaaday dhamaan dadka degan dhismaha, waxaana soo baxday in aysan lahayn Faraha saddexaad. Waxaan amray Booliska in ay baaritaanka sii xoojiyaan, Faraha saddexaadna ay radiyaan cidda iska leh, iyaga oo weliba raadinaya Faraha denbiilayaasha kula jirey xabsiga. Nasiib daro waa la waayey qof lahaada Farahaas. Waxaa soo baxday warbixintii caafimaadka ee la xiriirtay in dhiiga iyo kaadida eedeysanadda laga baaro maadooyinka daroogada ah. Natiijadiina waxa ay noqotay in aan laga helin wax daroogo ah dhiiga iyo kaadida eedeysanadda. Waxa kale oo soo baxday natiijadii baaritaanka maydka dhibanaha, waxa ayna noqotay in sababata dhimashadu ay tahay natiijada shan nabar oo kaga wada dhacay dhinaca bidix ee xabadka, saddex ka mid ah waxa ay kaga dheceen Wadnaha, Mindida laga helay goobtana ay tahay agabka loo adeegsaday nabarada, dhiiga ku yaalayna uu yahay dhiigga dhibanaha. Waxaa kale oo la helay baaritaankii dhiiga dhibanaha, waxaana laga heelay maadooriyaal kala duwan. Waxaa kale la ogaaday in Silingayaashii iyo haashkii sigaarka laga helay maadooyin maandooriye ah. Waxaa kale oo soo baxday baaristii aan u diray dhakhaatiirta sharciga ee ahayd in ay baaraan in ay suurtagal tahay in uu dhibanuhu isagu isku dhufan karo mindiyaha ku yaal iyo inkale. Natiijadina waxa ay noqotay in aysan suurta gal ahayn in uu isagu isku dhuftay, balse uu qof kale ku dhuftay. Waxaan soo saaray amar kale oo muhiim ah, kaas oo ka badbaadin kara eedeysanadda ciqaabta dilka haddii ay sax noqoto waxa aan filayo. Waxaan amray in eedeysanadda la geeyo xarumaha lagu baaro xanuunada nafsiga iyo kuwa maanka ku dhaca, si loo baaro loona cadeeyo in wakhtiga denbigu dhacayey ay qabtay xanuun dhimirka ah, kaas oo ka qaadaya wacyiga, garashada iyo ikhtiyaarka, si waafaqsan Qod:62 X.C.Masar intaan wax lagaga bedelin xeerka Lr.71 ee soo baxay 2009, Qodobkaas oo meesha ka saaraya in uu qofku noqdo mas’uul denbi haddii uu qabo xanuun dhimirka ah xiliga uu denbiga galayey. Natiijadii ka soo baxday xaruntii caafimaadka waxa ay noqotay in aysan qabin wax xanuun ah oo dhimirka ah, sidoo kale xiliga denbigu dhacayey ay ahayn qof caqligeedu dhamaystiran yahay. Waxaan u yeeray eedeysanaddii, waxaan hordhigay cadaymihii oo dhan bal in ay wax uun ka tiraahdo, balse waxa ay ku adkaysatay in aysan hadlin wax jawaab ahna aysan bixin. Waxaan soo gabagabeeyey Baaritaankii kiiska, waxaana u gudbiyey Maxkamadda eedeeda, waxaana ku eedeeyey dil kas ah oo la qorsheeyey si waafaqsan Qod:230-231 X.C.Masar (قتل عمد مع صبق الإصرار). Waxaa la gaaray maalintii la soo mudeeyey dhagaysiga kiiska, waxaana la waayey Hoolka Maxamadda meel la kala fariisto. Dadka ka soo qaybgalay waxa ay u kala qaybsanaayeen kuwo la Dareen ah eedeysanadda iyo kuwo ka soo horjeeda isla markaana danaynaya in lagu xukumo laguna fuliyo ciqaabta denbiga ay gashay. Fadhigii ayaa bilowday, waxaana loo yeeray eedeysanaddii. Gudoomihii fadhiga ayaa weydiiyey denbiga loo haysto in ay gashay iyo in kale, balse wax jawaab ah ma aysan bixin. Mar kale ayuu ku celiyey, jawaabteediina waxa ay noqotay aamus. Maxakamaddii waxa ay amartay in aan soo jeediyo doodayda. Waxaan ku bilaabay in aan xusuusiyo eedeysanadda in ay hadashao, haddii aysan hadlinna ay ka dhalan karto ciqaab adag, waxaan xasuusiyey waalidkeed oo goobta jooga iyo dedaalka ay ku bixiyeen in ay heer sare gaarto, sidoo kalena aan laga filayn meesha ay manta taagan tahay. waxaas oo dhan dheg uma aysan dhigin, waxa ay sii wadatay go’aankeedii ahaa in aysan hadlin. Waxaan sii watay dodaydii, waxaana Maxkamadda u sharxay baaristii kiiska, heerarkii uu soo maray iyo in ay dhibanaha gurigiisa ugu tagtay, kadibna ay dhowr mindiyood ku dhufatay, iyada iyo qofka kale oo kala qaybqaatay denbiga kaa oo aan la garanayn, mindiyahaas oo keenay in uu dhinto. Mindiyaha lagu dhuftay awoodooda iyo meelaha lagaga dhuftay, waxa ay cadaynayaan in niyadeedu ay ahayd in aysan ka tegin ilaa ay hubsato in uu dhintay, waxa uuna ahaa dil ay soo qorsheesay kadibna ay u fulisay sidii ay u soo qorsheesay. Sidaa darteed iyada oo la eegayo magaca xaqqa, cadaaladda iyo seefta cadaaaladda, xeer-ilaalintu waxa ay dalbanaysaa in lagu rido eedeysanadda ciqaabta ugu adag ee denbiga ay gashay, taas oo ah dil deldelaad ah, oo ah abaalmarinteeda صدق الله العطيم.(وما ظلمناهم ولكن كانوا أنفسهم يظلمون ). Ma istaagin oohinta aabaha iyo hooyada intii Hoolka lagu jiray ilaa ay dharka oo dhani ka qoyeen. Waxaa dhinacooda jooga wiil dhalinyaro ah oo kaalmaynaya, waxa dadka oo dhami isweydiinayeen qofka uu yahay, waxa kala dhexeeya waalidka eedeysanadda iyo eedeysanadda. Mar danbe ayaan ogaaday in uu ahaa nin ay u doonaneed oo xiriir jacay oo qoto dheer ka dhexeeyey eedeysanadda. Intaas kadib, waxaa su’aal muhiim ah i weydiiyey Abukaataha eedeysanadda. Su’aashu waxa ay ahayd in warbixinta cadeymaha denbiga lagu cadeeyey in ay jiraan Faro saddexaad oo aan ahayn Faraha eedeysanadda iyo dhibanaha, taas oo macnaheedu yahay in qofkaas sadexaad uu yahay qofka denbiga galay, ama marka ay ugu yar tahay uu joogay goobta denbigu ka dhacay xiliga denbigu dhacayey. Hadaba su’aashaydu waxa ay tahay waa kuma qofka iska leh Faraha Saddexaad? Waxaan markiiba ka jawaabay su’aashii, waxaana ku iri waxa ay ahayd inta aad Xeer-ilaalinta Su’aashaas weydiinaysid in aad weydiiso eedeysanadda, sababta oo ah iyada ayaa garanaysa qofka uu yahay qof iska leh Farahaas. Waxaan dib ugu laabtay kursigii aan ku fadhiyey. Gudoomiyihii fadhiga ayaa amray in Abukaatuhu sii wato doodiida difaaca. Abukaatuhu waxa uu doodiisii ku adkeeyey inta aan la helin Faraha saddexaad in aan dhaxjoogi doono cadaalad kala dhiman iyo cadaymo kala go’an. Dadkii ka soo qaybgalay dhagaysiga dacwadda ayaa hoosta iska wada weydiiyey qofka iska leh faraha saddexaad, markii ay nux-nuxdii badatay ayuu gudoomiyihii fadhigu amray in la aamuso. Markii la aamusay, ayaa waxaa gadaal laga maqlay codka qof dumar ah oo waayeel ah, dadkii oo dhan ayaa eegay dhinaca codku ka imaanayey. Waxa ay hadalkeeda ku bilowday waa aniga qofka iska leh Faraha saddexaad ee qofka la garan la’yahay! Waxa ayna ku dartay, aniga ayaa dilay, dadkana dhaafiyey shartiisa, halkaasna ku soo xiray xisaab naga dhaxaysay aniga iyo isaga sanado badan. Gudoomiyihii Fadhiga ayaa weydiiyey xaaladeeda, waxa uuna amray in ay ku fariisatao kursi meesha yaalay maadaama uu dareemay in xaaladeed caafimaad ay u muuqatay mid liidata, lugaheeduna aysan qaadi karin jirka intiisa kale. ✺ ✺ ✺ Maxkamadda ayaa weydiisay su’alo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa Magaceeda? waxa ay ugu jwaabtay in la yiraahdo Saniya. Waaxaa kale oo la wediiyey xiriirka ka dhexeeya iyada iyo dhibanaha? Inta aysan ka jawaabin su’aasha, waxa ay Maxakadda ka codsatay in ay fursad u siiso ay uga waranto sheekada bilow ilaa dhammaad. Gudoomihii ayaa ku yiri isaga oo kalsooni dareensiinaya, soo dhowow si deganna u hadal. Waxa ay tiri ninka la dilay waxa uu ahaa ninkaygii, aniga ayaana dilay, aniga oo ka goosanaya xisaabta dhibta uu sanado badan noo geystey aniga iyo gabadhayda. Waxa ay codsatay in ay u soo dhowaadaan aabaha iyo hooyada eedeysanadda, waxa ayna ku tiri waxaa laga yabaa in aydin i garan, maadaama wakhtigu uu bedeley muqaalkayga, kadibna waxa ay ku tiri si fiican ii fiiriya, xasuustiinana dib u celiya, ma xasuusataan gabadh idiin shaqayn jirtay oo Saniya la dhihi jirey? Ma xasuusataan Saniya oo habeen habeenada ka mid ah labaatan sano ka hor idiin keentay gabadh yar, taas oo ay ku aamini weydey cid kale oo aan idinka ka ahayn? Ma xasuusataan in aan idinku iri ninkaygu waxa uu caadaystay maandooriyaha, waxa uuna iga dalbaday in aan u keeno lacag uu ku gato, isla markaana aan ka keeno meel kasta oo aan ka keeni karo, xataa haddii aan soo xadi karo, waxa uuna aaminsanaa in aan lacag hayo oo aan ka qarinayo, haddii aan u keeni waayana uu na dili doono aniga iyo gabadhayda. Waxa ay hadalkeeda ku dartay markii aan idiin dhiibay gabadha, waxaan go’aansaday in aan ka baxsado, balse sidii uu ii raadinayey wuu isoo helay, kadibna waxa uu igu dhuftay mindi uu gacanta ku haystay igama tegin ilaa uu hubsaday in aan dhintay, balse ilaahay waxa uu qadaray oo ila jecalaaday in aan noolaado, si aan u joogo goobta aan manta joogo. Waxaa lagu xukumay xabsi toban sanno ah. Aniguna markii aan Hosbitaalka ka soo baxay, waxaan imi Gurigii aad deganaydeen si aan idiinka qaato gabadhayda oo aan u korsado, balse waxaa la ii sheegay in aad u safarteen wadanka dibadiisa. Markii aad soo laabateen, waxaan arkay gabadhi oo nolol fiican oo qurux badan ku jirta, qanacsan oo faraxsan, waxbarasho fiicanna ku jirta, idinkuna aad ula dhaqmaysaan sidii in ay gabadhiina oo kale tahay, waxaan go’aansaday in aanan ka soo saarin noloshaa fiican ee ay ku nooshahay oo aan idiin daayo, aniguna waxaan shaqaale ka noqday warshad, waxaan ka go’doomay aduunka oo dhan, waxaana ku mahdiyey ilaahay, gabadhaydana waxaan ku arki jiray iyada oo jaamacadd u socoto oo faraxsan. Intaas ka dib Ismaaciil waxa uu ka soo baxay xabsiga, kadibna waxaan dareemay in gabadhaydu ay khatar ku sugan tahay, kadib markii aan arkay maalin maalmaha ka mid ah Ismaaciil loo la taagan isla markaana u dhiibaya warqad iyo sawir, waxaan dareemay sawirka uu tusayo in uu yahay sawir aan ku wada jirno aniga, isaga iyo iyada oo yar oo lix biloow jirta. Waxaan dareemay in uu u sheegayo in uu isagu dhalay ee aanu diktoorku dhalin, ujeedada uu ka leeyahayna ay tahay in uu ka helo lacag uu noloshiisa ku maareeyo. Iyada oo sii wadata hadalkeeda, waxa ay tiri waan ka daba tagay ilaa aan ka soo ogaaday meesha uu degan yahay, markii aan u imi waxaan ka codsaday in uu ka fogaado gabadhayda nolosheedana uu faraha ka qaado. Waxa ay Maxkamadda u sheegtay in dadka oo dhan ay sawirtaan gabadhayda oo aan maalin kasta arkayo oo aanan dhihi karin hooyo, dadkii dhan ee hoolka joogay ayaa wada ilmeeyey, iyaduna waxa ay ku dedaashay in aysan daciifin si ay u dhamaystirto sheekada. Iyada o hadalka sii wadata waxa ay tiri Ismaaciil waxa uu soo saartay shahaadada dhalashadeed si uu uga dhaadhiciyo in uu aabeheed yahay. Waxaan isku dayey in aan ka qaado shahadada iyo sawirka, balse gacan ayuu ii qaaday, waxa uuna iigu hanjabay in haddii aan dilkii hore u dhiman waayey in hadda aan u dhiman doono. Waxaan dareemay khatarta gabadhayda ku soo food leh, kadibna waxaan qaatay mindi meesha taalay waxaana ku dhuftay dhowr mindi oo aanan garanayn inta ay yihiin tira ahaan, kamana soo tegin ilaa aan ka hubsaday in uu dhintay. Markii aan hubsaday in uu dhintay waxaan jeebkiisa kala soo baxay warqaddii dhalashada ee Huda iyo sawirkii aan ku wada jirnay. Ilaahay waxa uu qadaray in Huda ay timaado qolkiisa, sababata oo ah waa uu la balansanaa, waxa uuna ka rabay in ay lacag u keento. Qolkii markii aan ka soo baxay ayaan arkay Huda oo qolka geleysa, iyaduna ima aysan arkin, kadibna markii ay aragtay isaga oo mindi ku taagan tahay, kadibna waa ay ka sartay mindidii iyada oo qaylinaysa. Waxa ay soo saartay warqaddii shahaadada dhalashada, waxa ayna u dhiibtay Gudoomiyihii Maxkamadda, waxa ayna u sheegatay in Huda ay tahay Gabadheeda, dhibanaha la dilayna uu yahay aabeheed, sawirka ay ku wada jiraana uu cadayn kale u yahay. Gudoomihii Maxkamadda ayaa weydiiyey sababata ay u aamusnayn muddada u dhaxaysay xiliga denbigu dhacay ilaa laga soo gaarayey manta oo la joogo dhagaysiga dacwadda? Waxa ay kaga jawaabtay su’aasha Maxkamadda, in markii ay qolka ka soo baxday iyada oo aan miyir lahayn ay is tiri wadada dhanka kale uga gudub uu gaari dar-daray kadibna loo qaaday Hosbitaalka, miyirkuna uu u soo laabtay laba maalin ka hor, kadibna ay ka ka maqashay kalkaalisooyinka in ay joornaalka ka akhriyeen in gabadheeda beri lagu xukumi doono dil. Intaas markii aan ogaaday ayaan ka codsaday in ay Maxkamadda i geeyaan si aan u sheego xaqiiqda. Intaas kadib, waxaa istaagay gabadha Aaabeheed oo wejigiisa ay ka muuqato farxad, waxa uuna ka codsaday Gudoomiyihii Maxkamadda in uu u ogolaado in uu hadlo, si uu u sheego arin yaab iyo lama filaan ah. ✺ ✺ ✺ Maxakamaddii ayaa u ogolaatay in uu hadlo. Waxa uuna hadalkiisi ku bilaabay in uu ilaahay uga mahadcelinayo wixii ay sheegtay islaantu oo ah in ay iyadu tahay qofka dilka gaystay, waxaana adkaynayaa in gabdhaydu ay beri ka tahay dilkaas, waxa kale oo aan cadaaladda Maxkamadda u sheegayaa in waxa ay sheegtay islaantu ay yihiin sax, gabadhana ay noo dhiibtay, balse ay jirto sir kale oo aysan islaantu ogayn iyo cid kale toona aan ka ahayn ilaahay, aniga iyo xaaskayga. Sirtaas waxan u soo bandhigayaa si amaana leh iyada oo weliba cadaynteeda wadata. Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay iyada oo si fiican loo wada dhagaysanayo. Waxaan qorsheestay noloshayda aniga oo ah arday dhigta Jaamacadda, yoolkayguna waxa uu ahaa in aan noqodo dhakhtar weyn oo guulaysta, si aan u sii wado wadada qoyskayga oo caan ku ahaa caafimaadka. Si aan yoolkaas u xaqiijiyo waxaan soo jeeday habeeno iyo maalmo, waxaana ahaa mid kaalmaha hore ka gala dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaan ahaa arday ay jecel yihiin macalimiinta iyo ardayduba. Waxaan jeclaaday gabadh aan Jaamacadda wada dhigan jirnay, jacaylkaas oo ku soo dhamaaday in aan isguursano. Markii aan Jaamacadda dhamaynay waxaan sii wadnay waxbarashada si aan u gaarno labadayaduba darajada Phd. Dedaal badan kadib ilaahay waxa uu noo qadaray in aan gaarno darajda Phd, weliba anaga oo ku qaadanay darajada ugu saraysa ee (إمتياز). Muddo shan sanno ah markii aan isqabnay, noloshayada waxa keliya ee ka maqnaa waxa ay ahayd carur aan ku indha doogsano, daahitaanka in aan ilmo dhalno waxa ay noo ahayd welwel. Waxaan u tagnay dhakhaatiir badan oo kala duwan, Masar gudheeda iyo dibadeedaba, waxa ayna isku raaceen in aysna jirin wax dhib ah oo keeni kara in aanan caruur dhalin. Habeen habeenada ka mid ah anaga oo hurudna, ayaa waxaan maqalnay garaaca Albaabka guriga, aniga oo cabsanaya ayaan soo aaday dhanka Albaabka, kadibna waxan ka maqlay Albaabka gadaashiisa hadal ah waa Saniya gabadhii idiin shaqayn jirtay. Albaabkii ayaan ka furay, waxaan arkay iyada oo ilmaynaysa, waxa ay noo sheegtay in ninkeedu uu daba socdo oo uu rabo in uu dilo iyada iyo gabadheeda, kadibna waxa ay gabadhii u soo taagtay xaaskayga oo gadaashayda taagneed, waxa ayna ku tiri gabadhayda ii haya, gurigiina ayaan u arkay in uu yahay meel aamin ah oo aan ku aamini karo, waana ay naga tagtay. Aqoon badan uma aanan lahayn Saniya, keliya waxaa jirtay in ay mar guriga noo nadiifisay. Waxaan ku wareernay wixii aan ka samayn lahayn gabdha yar, maadaama aanan wax xog ah ka hayn aan ka ahayn in ay tahay gabadha Saniya ee shaqaalaha ah, ma naqaan meel ay degan tahay, ninka qaba iyo waxa uu ka shaqeeyo toona. Markii aan aad uga fekernay wixii aan ku samayn lahayn gabadha yar, waxaan go’aan ku gaarnay in aan marno wadada sharciga ah, gabadhana aan geyno Xafiiska Xeer-ilaalinta. Xafiiska Xeer-ilaalinta markii aan tagnay, waxaa ka soo baxay go’aan lagu geynayo gabadha mid ka mid ah xarumaha caruuta aan waalidka lahayn la geeyo. Markii aan qaadanay go’aankii Xeer-ilaalina, waxaan tagnay goobtii nalaku amaray in aan geyno. Markii aan gabadha wareejin rabnay ayaan xaaskayga ka dareemay in ay ka murugeysan tahay dhiibista gabadha, iyada oo wejiga gabadha yar aad moodo in uu kuu sheegayo in aan meeshan looga tegin ee ay iyagu haystaan, waxaana dhaqaajiyey xaaskayga dareenka hooyonimo iyo iyada oo aan la hubin in ay ilmo dhali doonto iyo in kale. Waxaan qaatay go’aan muhiim ah, go’aankaas oo ah in aan gabadha korsano aniga oo u arkay in ay tahay hadyad samada ka timi, dareenka xaaskaygana tixgelinaya. Codsigii waa nalaka aqbalay, waxaana si rasmi ah naloogu wareejiyey gabadhi kadib markii aan dhamaynay habraacyadii nalaka rabay oo dhan, waxaana nalooku diiwaan geliyey magaca Huda, magaca aabaha iyo hooyadana waxaan ku diiwaan gelinay magacyadeena rasmiga ah. Lix Bilood kadib, waxaan shaqo ka helay Hosbitaal ku yaal wadanka Maraykanka, waxaana u wada safarnay Maraykanka, waxaana ka shaqaynayey muddo shan iyo toban sanno ah, kadibna waxaan dib ugu soo laabanay Masar, aniga iyo xaaskayga iyo Huda. Hudda waxa ay iyaduna bilowday markii aan soo laabanay Jaamacadda waxa ayna dooratay in ay barato caafimaadka. Waxa ay ahayd ardayad firfircoon oo la wada jecel yahay, waxa ayna ka mid ahayd ardeyda kaalmaha hore ka gala qaybta ay dhigato. Huda waxaa soo doonay Samiir oo ah wiil qurux badan oo inadeerkeed ah, islamarkaana ah Ingineer guulaytay oo aqoon badan. Markii aan qiimeeyey ka aabe ahaan, waxaan u arkay in uu yahay qof ku haboon. Waxaan u sheegay Samiir in uu wakhti i siiyo si aan u ogaado aragtida Huda. Markii aan weydiinay Huda, waa ay diiday Samiir, iyada oo ku sababaynaysa in uu walaalkeed oo kale yahay, uuna jiro wiil kale oo ay Jaamacadda isla dhigtaan oo ay ku heshiiyeen marka ay jaamacadda dhameeyaan in ay isguursadaan, aniguna waxaan ku raacnay aragtideeda. Iyada oo nolosheenu ku socoto si qurux badan, ayaa waxaan aragnay aniga iyo xaaskaygu in isbedel lama filaan ah uu ku yimi nolsha Huda. Waxa indheheeda laga dareemayey qof wareer badan ku jirta isla markaana cabsanaysa. Waxa ay bilowday in ay qol isku soo xirto oo ay keligeed ahaato, hurdona wey kala dheeradeen, sida keliya ay ku seexan kartaana waxa ay noqotay in dawo qaadatao. Markii aan weydiinay sababata keentay isbedelka lama filaanka ah ee nolosheeda ku dhacay, waa ay diiday in ay nooga jawaabto si kasta oo aan ula hadalnay. Waxaan isweydiinay in isbedeku uu ka yimi khilaaf ka dhexeeya iyada iyo wiilkii ay xiriirka lahayeen. Markii aan saaxiibadeed ka wareesatay wiilka, waxa ay ii sheegeen in uu yahay nin wanaagsan oo dadaal badan. Waxaan raadiyey wiilkii, markii aan la kulmay oo aan weydiiyey waxa keenay isbedelka Huda ku dhacay, waxa uu iigu jawaabay in uu isaguba la yaabanaa isbedelka ku dhacay wax xog ahna uusan ka hayn. Markii aan xal kale weyney, waxaan go’aan ku gaarnay in aan u keeno dhakhtar nafsi ah si baaritaan loogu sameeyo, balse waa ay diiday in baaritaan lagu sameeyo. Dhakhtarkii waxa uu noo sheegay in xaaladda ay ku jirto ay tahay xaalad adag oo nafsi ah iyo mid neerfe, kuwaas oo ka iman kara shook ay qaday, ayna u baahan tahay daryeel, la socod iyo korjoogtayn ay ku sameeyso xarun qaabilsan arimahaas, si aysan halis u gelin nafteedu oo aanay ugu fekerin in ay isdisho. Sidii ay xaaladaas ugu jirtay, ayaan maqalnay warka sheegaya in Huda ay geysatay dilka qof aanan garanayn, Xeer-ilaalintuna ay baaritaan ku hayso. Waxa uu la hadlay Huda oo ku jirta Shabaqa Maxkamadda ee denbiilaayasha lagu xiro, waxa uuna ku yiri Huda aniga ayaa ah aabahaaga xaqiiqda ah, gabadhii Saniya nooga tagtayna waa ay dhimatay, kadib markii uu ku dhacay xanuun Sanbabada ah. dhimashada Huda kadib, ilaahay waxa uu nagu arsaaqay in ay xaaskaygu ur yeelato muddo badan oo ay dhakhtar la socotay kadib. Ilaahay waxa uu nagu arsaaqay adiga, waxaana kuu bixinay isla magacii gabadhii dhimatay ee Huda. Intaas markii uu sheegay, waxa uu ku jeestay Boorsadiisa, waxa uuna ka soo bixiyey dukumintiyo kala duwan, kuwaas oo uu Maxkamadda la wadaagay, ayna ka mid yihiin kuwan soo socda: Dukumintigii ay Xeer-ilaalinta ugu gudbiyeen iyo go’aankii Xeer-ilaalinta ee ahaa in la geeyo gabadha goobaha caruurta lagu koriyo. Dukumintigii ay kala wareegeen goobta Xeer-ilaalintu amartay in la geeyo. Dukumintigii ay kula wareegeen gabadha ee ay ka qaateen xaruntii ay geeyeen, kaas oo sheegayey in ay korsadaan. Warqada dhimashada gabadhii Saniya oo rasmi ah. Shahaadada dhalashada Huda oo rasmi ah. Waxa uu mar kale ku jeestay Huda, waxa uuna ku yiri waxaad tahay gabadhaydii, hooyadaana waa qoftan isaga oo tilmaamaya xaaskiisa. Waxa uu ku jeestay mar kale dadkii ka soo qaybgalay dhagaysiga dacwadda, waxa uuna u sheegay in Huda ay gabdhiisa tahay. Saniya markii ay dhagaysatay dooda Huda aabeheed, waxa ay ku sigatay in ay dhulka ku dhacdo, basle waa la qabtay. Gudoomiyihii Maxkamadda ayaa dhakhtarka Huda aabeheed ku yiri bal fiiri xaaladeeda caafimaad, markii uu soo dul istaagayba waxa uu gartay in ay naftii ka baxday oo ay dhimatay. Maxkamaddii waxa ay gashay Qolka tashiga, waxa ayna hubisay in faraha qofka sadexaad ee mindida ku yaal ay yihiin faraha Saniya oo sheegtay in ay iyadu dishay si loo xaiijiyo in ay run sheegeyso iyo in kale. Markii la xaqiijiyey Maxkamaddii wax ay soo saartay xukun, xukunkaas oo ay kaga beriyeeshay eedeysanad Huda wixii denbi ahaa ee lagu soo eedeeyey. Markii xukunka lagu dhawaaqay, hadalkii ugu horeeyey in muddo ah aya ka soo baxay afka Huda, waxa uuna noqday Baaba, Maama, kuwaas oo u soo orday dhankeeda markii ay maqleen hadalkeeda si ay Laabta u geliyaan. Aabeheed ayaa ku yiri Huda, haddii aad mar hore noo sheegi lahayd waxa jira, dhibtan oo dhan lama mareen. DHAMMAAD

Xusuusin ku saabsan daabacaadda

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.

Qoraalka asalka ah waxaa loo keydiyey sidii loo soo gudbiyey. Qoraalka iyo sawirrada waa in la hubiyaa in oggolaansho dib-u-daabacaad loo haysto.