Kaqayb-qaadashada Denbiga — Qaybta 2aad
Axkaamta kaqayb-qaadashada denbiga ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan duruufaha cusleeya iyo kuwa fududeeya.

Qoraal waxbarasho — dib-u-eegis sharci ayaa loo baahan yahay
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
KAQAYB-QAADASHADA DENBIGA QAYBTA 2AAD Published by mkurtun on February 14, 2026 (Criminal Participation/المساهمة الجنائية) AX-KAAMTA KA QAYBQAADASHADA DENBIGA EE XEERKA CIQAABTA SOOMAALIYEED Waxa aan soo sheegnay aragtida uu qaatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed marka la joogo kaqayb-qaadashada denbiga, aragtidaas oo ahayd in denbiilayaashu ay siman yihiin, iyaga oo aan la eegayn qof kasta kaalinta uu ka qaatay denbiga, sida ku cad Qod:71X.C, taas oo macnaheedu yahay haddii saddex qof ay ka qaybqaataan denbi dil ah, mid ka mid ah uu keeno qorigii dilka lagu geysan lahaa, halka mid kalena uu qofkii soo shirqoolo oo uu keeno goobtii lagu dili lahaa, midka saddexaadina uu xabadda ku dhufto, kadibna uu qofkii sidaa ku dhinto, saddexda qof waxa ay kaqayb-qaateen denbiga dil kas ah, sidaa darteed waxaa lagu ciqaabayaa dhammaantood ciqaabta denbiga dilka kaska ah. Kaqab-qaadashada denbiga qof aan ma’uul ahayn ama aan la ciqaabi karin. Waxaa jirta mar uu denbiga kaqayb-qaadanayo qof aan qaadi karin mas’uuliyadda denbiga, sababo la xiriira sifada qofka falka asalka ah geysanaya, sida in uu qof ku dhiirigeliyo ilma yar oo aan qaadi karin mas’uuliyad denbi, ama qof waalan in uu dilo qof ay cadaawadi ka dhaxaysay, kadibna dilku sidaas ku dhoco. Ama uu adeegsado qof aan la ciqaabi kari, sida in uu u dhiibo qof kabalyeeri ah cunto sun leh kadibna kabalyeerigu cuntadii u geeyo qofkii loogu dhiibay, isaga oo aan ogayn in ay sumaysan taahy, kadibna uu qofkaasi sidaas ku dhinto. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxa uu sid cad u qeexay haddii ay dhacdo in denbiga uu kaqaybq-aato qof aan mas’uuliyad denbi qaadi karin ama aan la ciqaabi karin, in qofka ku riixay denbiga isagu uu qaadayo mas’uuliyadda denbiga, welibana ciqaabta loo kordhinayo, sida ku cad Qod:72X.C.S. Qodobkaas oo sheegaya ” Qof kasta oo geliya Dembi qof aan mas’uul Dembi ahayn ama aan ciqaab mudan Karin, marka la eego xaaladiisa shakhsi ama kartidiisa Dembi gelid, waxa uu masuul ka noqonayaa Dembiga uu qofkaasi galay, ciqaabtana waa la kordhinayaa “. Kaqayb-qaadashada denbiga iyo duruufaha denbiga cusleeya: Waxaa jira duruufo denbiga cusleeya oo guud iyo kuwo gaar ah. Duruufaha guud ee denbiga cusleeya, waa duruufaha lagu sheegay Qod:39 X.C.S. duruufahaasi waa duruufo guud oo lagu dabiqi karo denbi kasta haddii laga helo mid ka mid ah marka denbiga la galayey. Waxaase jira duruufo gaar ah oo ay ku caddahay denbiyada qaar in ciqaabta la siyaadinayo. Kaqayb-qaadashada denbigu waxa uu ka mid tahay xaaladaha gaarka ah ee denbiga cusleeya, waxaana ka mid ah xaaladaha ku xusan Qod:73X.C.S. Qodobkani waxa uu sheegayaa xalaadaha kaqayb-qaadashada ee denbiga cusleeya, waxa ayna u dhigan yihiin sidan soo socota: Ciqaabta denbiga waa la kordhinayaa xaaladaha soo socda: Marka ay shan qof ka badan kaqayb-qaataan denbiga, haddii aanu sharcigu u dhigin si kaduwan. Sida kuwa ku xusan Qod:266, 305, 481 X.C.S. Marka uu qofku kiciyo ama abaabulo ka qayb-galka dembiga ama jiheeyo falka dadka dembigaa kaqayb-qaatay, marka laga reebo xaaladaha lagu sheegay xarafka c iyo d ee isla Qodobkan. Marka uu qofku ku xanbaaro qof kale oo isaga hoosyimaada maamulkiisa, ama uu leeyahay jihayntiisa ama uu isagu kormeero in ay galaan denbi. Iyada oo aan la eegeyn xaaladaha lagu sheegay Qodobka hore ee Qod:72X.C.S uu qofku ku sababo qof ka yar 18 sano ama qof aan xiskiisu dhamayn in uu dnebi galo. Duruufaha denbiga cusleeya ee ku xusan Faqrada 1aad xarfaheeda a,b,c, ee Qodobkan, ciqaabta waa la kordhinayaa xataa haddii mid ka mid ah dadka denbiga kaqayb-qatay uusan qaadi karin mas’uuliyadda denbiga. Kaqayb-qaadashada denbi kam’a ah: Waxaan qaybta kowaad ku soo aragnay in ay fuqahada qaanuunku isku khilaafeen, in laga qayb-qaadan karaa denbi kama’a ah, waxaana soo sheegay in loo badan yahay in laga qayb-qaadan karo denbi kama’ ah. Waxana tusaale u soo qaadanay haddii qof gaari leh, uu dararawalkiisa ku amro in uu wadada ku maro xawaare ka badan inta la ogol yahay, kadibna dareewalkii uu sidaa ku wado gaariga, kadibna uu shil galo, shilkaasna ay dad kale dhib ka soo gaarto. Denbigaas waxaa cad in ay kawada qayb-qaateen milkiilaha gaariga iyo dararawalkiisuba. Xeerka ciqaabta soomaaliyeed waxa uu si cad u qeexayaa, axkaamta ka dhalanaysa marka laga-qaybqaato denbi kama’a ah, sida ku cad Qod:74 X.C.S. Qodobkaasi waxa uu ka kooban yahay laba faqro oo kala ah: Haddii ay dhowr qof ka qayb-qaataan denbi kama’a ah, kadibna falkoodaasi ay ka dhalato natiijo, mid kasta waxa uu mas’uul ka noqonayaa denbiga uu kaqayb-qaatay. Ciqaabta waa lagu kordhinayaa qofka ku sababay kuwa kale in ay Dembiga kaqayb-qaataan, marka ay jiraan xaaladaha ku xusan Qod: 72 iyo xarfaha c iyo d ee faqrada 1 aad Qod:73 X.C.S. Ka-qaybqaadashada denbiga iyo Duruufaha denbiga fududeeya: Maadaama aragtida xeerka ciqaabtu ay ahayd in denbiilayasha denbi kaqayb-qaata isku ciqaab lagu xukumo, waxaa dhici karta in qayb ka mid ah dadka denbiga kaqayb-qaatay ay yartahay kaalintooda dhanka diyaargarowga denbiga ama fulintiisa, sidaa darteed Xeerku waxa uu siiyey garsoraha awood uu ciqaabta kaga dhimi karo qofka ay yar tahay kaalintiisu sida ku cad Qod:75/1X.C.S. Tusaale X ayaa waxa uu qorsheeyey in uu xado dukaan xilli habeen ah, kadibna saaxiibkiis Y ayuu ku qanciyey in uusan wax kale qaban balse keliya uu ku taageero in uu ka ilaaliyo ilaalada amniga ama Booliska, isla markaana uu u sheego haddii uu arko iyaga oo soo socda. X waxa uu u dhacay dukaankii kadibna waxa uu soo qaatay badeecadii uu rabay in uu xado, kadibna isaga iyo Y ayaa ka sootagay goobtii, dabadeedna waa la qabtay iyaga oo wadada socda, waxaana lagu eedeeyey xatooyo si waafaqsan Qod:480X.C.S([1]). Sida uu qabo Qod:71X.C.S, X iyo Y waxaa lagu wada ciqaabayaa ciqaabta ku xusan Qod:480 X.C.S, balse Garsooraha ayaa isaga oo adeegsana Qod: 75/1X.C.S waxa uu ciqabta ka dhimi karaa eedeysane Y maadaama kaalintiisa denbigu ay yar tahay, marka loo eego eedeysane X oo isagu lahaa qorshada denbiga iyo fulintiisaba. Sidoo kale waxaa banaan in ciqaabta laga dhimo qofka lagu sababay in uu denbiga galo ama kaqayb-qaato, marka uu yahay qofkaasi qof hoosyimaada qofka ku xanbaaray denbiga, ama hoos yimaada maamulkiisa, ama uu leeyahay jihayntiisa ama uu isagu kormeero. Sidoo kale haddii qofka denbiga lagu xanbaaray uu ka yar yahay Sideed iyo Toban Sanno ama aan xiskiisu dhammayn, ciqaabta waa laga dhimayaa, sida ku cad Qod:75/3X.C.S. Xaaladaha ku xusan Qod:73 ee ah duruufaha denbiga cusleeya iyaga lama yareenayo ciqaabta, sida ku cad Qod:75/2X.C.S. Heshiiska gelida denbi iyo dhiirigelintiisa Haddii Laba qof ama ka badan ay ku heshiiyaan in ay denbi galaan, balse aan denbigii la gelin, midna laguma ciqaabayo heshiiska denbiga keliya, haddii aanu xeerku si kale u sheegin, sidaas oo ay tahay waxaa u bannaan Garsooraha marka denbi lagu heshiiyo balse aanu dhicin, in uu dulsaaro talaabooyinka amaan sida ku cad Qod:76/1X.C.S. Sidoo kale haddii denbi la dhiirigeliyo, dhiirigelintaasna la aqbalo, dabadeena denbigaasi aanu dhicin, iyadana laguma ciqaabayo dhiirigelin keliya qofka dhiirigelinta sameeyey iyo kan aqbalayba, sida ku cad Qod:76/2X.C.S, waxaase Garsooraha u bannaan in qofka denbiga dhiirigeliyey balse dhiirigelintiisa aan la aqbalin, uu saaro talaabooyinka amniga sida ku cad Qod:76/3X.C.S. Gelida denbi ka duwan kii lagu heshiiyey: Waxaa dhacda mararka qaar in denbi lagu heshiiyo, kadibna mid ka mid ah denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaadanayey uu la yimaado denbi ka duwan kii lagu soo heshiiyey. Tusaale, X, Y iyo Z ayaa waxa ay qorsheyeen in ay xadaan Raadiyowyo ku xaraysan dukaan, sadexdoodu waxa ay ku heshiiyeen in aan wax hub ah la qaadan, balse Z ayaa Baastoolad soo qaatay iyada oo aanay ogayn labada kale. waxa ay yimaadeen dukaankii, waxa ayna ka galeen Daaqada, waxa ayna arkeen Q oo ah waardiyaha dukaanka in uu jiifo dukaanka, dhammaan Raadiyowyadiina ay ku xaraysan yihiin khasnado bir ah, waxa ayna sadexdoodu arkeen in aanay suurtagal ahayn in ay xadaan Raadiyowyaasha, meeshana isaga tagaan, balse Z ayaa la soo baxay Baastoolad, waxa uuna kiciyey Q, waxa uuna ku khasbay in uu furo khasnada, kadibna X,Y iyo Z ayaa Raadiyowyadii ku qaatay Baaabuur, waana ay carareen. Maalintii labad ayaa la soo qabtay Sadexdoodii([2]). Xaaladaasi marka ay dhacdo, kuligood ma waxa ay mas’uul ka noqonayaan denbiga Xatooyada ee ay ku soo heshiiyeen ee ku xusan Qod:480X.C.S mise waxaa lagu eedeynayaa denbiga dhaca ee ku xusan Qod:484X.C.S. Xaaladaas Xeerka Ciqaabtu waxa uu u dejiyey axkaam gar ah, waana axkaamta ku xusan Qod:77/1X.C.S, faqradaas oo sheegeysa haddii denbiga la galay uu yahay mid ka duwan kii lagu talagalay in la galo, qofka galay denbigaas ayaa qaadaya mas’uuliyada denbigaas, haddii falkiisa ama fal’laantiisa ay ka dhalato natiijada denbigu. Sidaa darteed tusaalaha hore X iyo Y waxaa lagu eedeyanayaa denbiga Xatooyada ee ku xusan Qod:480X.C.S, halka Z lagu eedeynayo denbiga dhaca ee ku xusan Qod:484X.C.S. Haddii dadka denbiga kaqayb-qaadanaya mid ka mid ah uu galo denbi ka khatarsan kii ay rabeen in ay galaan, dhammaantood ma waxaa lagu ciqaabayaa ciqaabta denbiga khatarta ah, mise qofka galay denbiga khatarta ah keligiis ayaa qaadanaya mas’uuliyadda denbiga khatarta ah ee uu la yimi. Tusaale ahaan G iyo B ayaa qorsheeyey in ay af-duubtaan K oo ah ganacsade hantiile ah, kadibna ay haystaan ilaa ay ehelkiisa ka helayaan madaxfurasho lacageed. Waxa ay aadeen Guriga K si ay u soo qabtaan, B ayaa la soo baxay Bastoolad, waxa uuna amray K in uu raaco, balse K ayaa ka labalabeeyey in uu raaco, B ayaa isaga oo raba in uu xabad kor u rido si uu u cabsado K ayey xabadii waxa ay caloosha kaga dhacday K kadibna wuu dhintay, dabadeedna Booliska ayaa soo qabtay G iyo B([3]). Hadaba su’aashu waxa weeye maxaa lagu eedeynayaa G iyo B, maadaama G uusan rabin dilka K balse uu rabay af-duubkiisa, halka B uu geystey denbi ka culus kii lagu soo heshiiyey oo ah dilka K. Xeerku waxa uu xaaladaas ku nidaamiyey Faqrda 2 ee Qod:77X.C.S, waxa uuna sheegay in haddii la galo denbi ka culus denbiga lagu soo heshiiyey, ciqaabta laga dhimayo keliya qofka rabay denbiga yar. Sidaa darteed haddii aan tusaalaha hore ku laabano, waxaa lagu eedeynayaa G iyo B denbiga ku xusan Qod:447X.C.S, balse maadaama G uu rabay denbi ka yar kan uu la yimi B, oo ahaa in ay af-duubtaan K, waxaa lagu ciqaabayaa ciqaabta denbiga ku xusan Qod:447X.C.S iyo isku-dayga denbiga ku xusan Qod:460X.C.S, balse waxaa laga dhimayaa ciqaabta ku xusan Qod:447X.C.S si waafaqsan Qod:77/2X.C.S. Sidaa si ka duwan eedeysane B waxaa lagu ciqaabayaa denbiga ku xusan Qod:447X.C.S iyo isku-dayga denbiga ku xusan Qod:460X.C.S, lagama dhimayo ciqaabta, sababta oo ah waxa uu mas’uul ka yahay denbiga dhimashada K si waafaqsan Faqrada 1aad ee Qod:77X.C.S, maadaama ficilkiisu uu keenay dhimasha K. Saamaynta Duruufaha denbigu ku leeyihiin kaqaby-qaatayaasha denbiga: Waxaa jira duruufo denbiga ku hareereesan, kuwaas oo aan ka mid ahayd tiirarka denbiga, balse ku xeeran denbiga, kadibna saamayn ku yeesha ciqaabta in la kordhiyo iyo in la dhimo([4]). Duruufahaasi waxa ay noqon karaan duruufo maadi ama mowduuci ah ah iyo kuwo shakhsi ah (Objective and Subjective Circumstances/ظروف موضوعية وظروف شخصية ). Duruufaha maadiga ahi waa duruufaha : ku tacaluqda dabiicada falka, nooca, agabka loo adeegsaday denbiga, xiliga denbiga la galay, ujeedada denbiga iyo goobta denbiga lagu galay. Wax kasta oo kale oo la xiriira falka, khatarta dhawaca ee ka dhalata falaka, ama xaalada shakhsiga ama sifooyinka ee uu leeyahay dhibanuhu. Qod:41/a,X.C.S. Duruufaha Shakhsiga ahina waa duruufaha: Ku tacaluqda inta ay le’egtahay ujeedda kaska ama kam’a ee eedeysanaha. Xaladaha iyo sifooyinka uu leeyahay eedeysanuhu ama xiriirka ka dhexeeya eedeysanaha iyo dhibanaha. Qod:41/b X.C.S. Sidaa darteed, duruufaha maadiga ahi waxa ay bedelaan sifada denbiga. Tusaale ahaan, X waa muwaadin caadi ah, waxa uu saaxiib la yahay Y oo ka mid ah mas’uuliinta Bangiga Dhexe ee Dowladda. Waxa ay rabeen in ay furtaan mashruuc ganacsi oo ah in furaan warshada yar, waxa ayna aaminsan yihiin in mashrucaas ay lacag badan ka helayaan oo ay noqonayaan maalqabeeno. Si mashruuca loo furo waxa ay u baahan yihiin lacagtii lagu dhisi lahaa warshadda, qalabkana lagu soo gadi lahaa. Markii ay gorfeeyeen meesha ay lacagta ka keeni lahaayeen, waxa ay isla garteen in Y uu Bangiga ka soo xado lacagtaas, basle waa la ogaaday, waana la qabtay labadoodiiba. Y waxa uu Booliska u sheegay in X uu ku qanciyey in uu bangiga lacagta ka soo qaado, isla markaana uu ka taageeray sidii uu u soo qaadi lahaa([5]). Sidaa darteed, haddii sifada denbiga laga wada qayb-qatay ay isbedesho, iyada oo isla bedeleysa mid ka mid ah dadka kaqayb-qatay denbiga darteed, maxaa lagu xukumayaa kuwa kale? tusaalaha aan kor ku soo sheeganay, X iyo Y ma waxaa lagu wada xukumaya denbiga Xatooyada caadiga ah ee ku xusan Qod:480X.C.S mise Xatooyada Xoolaha dadweynaha ee ku xusan Qod:241X.C.S maadaama Y uu yahay shaqaale dowladeed? Mise mid kasta waxaa lagu xukumayaa denbiga isaga u gaar ah. Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, waxa uu ku xaliyey xaaladaas in haddii denbigu is bedelo sabab la xiriirta sifo uu leeyahay mid ka mid ah dadka denbiga kaqayb-qaatay, ay dhammaantood qaadayaan mas’uuliyadda denbiga isbedeley, sidaas oo ay tahaya garsooraha waxaa uu siiyey in ay u bannaan tahay haddii denbiga isbedeley uu khatar badan yahay in uu ciqaabta ka yareeyo denbiilaha aan lahayn sifada denbiga bedeshey, sida ku cad Qod:78X.C.S. Tusaalihii hore haddii aan ku laabano, X iyo Y waxa ay mas’uul ka wada noqonayaan denbiga xatooyada xoolaha dadweynaha ee ku xusan Qod:241X.C.S. sidaas oo ay tahay waxaa u bannaan garsooraha in uu X ciqaabta ka dhimo, maadaama denbiga xatooyada xoolaha dadweyuhu ka khatar badan tahay denbiga xatooyada caaadiga ah, maadaama isagu aanu lahayn sifada denbiga bedeshey ee ah shaqaalanimada dowladda. Haddii ay jiraan duruufo maadi ah, oo ciqaabta dhimaya ama kordhinaya, waa lagu dabaqayaa duruufahaas dhamaan denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaata. Haddii ay yihiin duruufo denbi cusleeya, ciqaabata waa lagu kordhinayaa, haddii ay yihiin duruufo denbiga fududeeyana ciqaabta wa laga wada fududeynayaa, xataa haddii aysan ogayn in ay duruufhaasi jiraan, marka ay denbiga galayeen, sida ku cad Qod:79/1X.C.S. Haddii ay jiraan duruudo shakhsi ah oo aan la xiriirin qofka denbiilaha ah, kuwas oo denbiga cusleeya, waxaa lagu dabaqayaa dhammaan denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaatay, xataa haddii aysan ogayn in ay jiraan duruufahasi, sida ku cad Qod:79/2X.C.S. Duruufaha kale ee shakhsiga ah ee ciqaabta cusleeya ama dhima ee u gaarka ah mid ka mid ah denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaatay, waxaa lagu dabaqayaa keliya denbiilaha loo tiirinayo duruuftaas shakhsiga ah, sida ku cad Qod: 79/3X.C.S. Tusaale ahaan X iyo Y ayaa ka wadaqayb-qaatay denbiga Turufada ee ku xusan Qod:496X.C.S. Markii la soo qabtay ee la maxkamadeynayey ayaa waxaa la ogaaday in Y uu yahay caadeyste si waafaqsan Qod:61X.C.S, sidaa darteed Y keliya ayaa ciqaabta loo kordhinayaa, maadaama duruufta caadaysnimadu ay isaga si shakhsi ah ula xiriirto. Duruufaha shakhsiga ah ee ciqaabta ka dhimaya qofka laga helo, waxaa ka mid ah haddii A iyo B ay ka wada qayb-qataan denbiga gacansiinta Baxsashada Z ee ku xusan Qod:306X.C.S, kadibna la ogaado in A uu qaraabo la yahay Z, ciqaabta waa laga dhimayaa A si wafqsan Qod:306/4X.S.C oo lala akhriyey Qod:79/3X.C.S, halka B isaga aan laga dhimayn ciqaabta, maadaama duruufta denbiga fududaysay ay tahay duruuf shakhsi ah oo u gaar ah A. Haddii ay jiraan duruuf shakhsi ah oo keenaya in aan qofka la ciqaabin, waxaa lagu dabaqayaa keliya denbiilaha leh duruufta ciqaabta ka rideysa, halka kuwa kale la ciqaabto, sida ku cad Qod:80/1X.C.S Tasaale A aya waxa uu ku soo weeraray B isaga oo gurigiisa jooga, B waxa uu isku dayey in uu iska difaaco, waxa uuna A ku dhuftay ul, kadibna Z ayaa arkay B oo iska difaacaya A kadibna isaguna waxa uu la dhacay ul, A waxaa soo gaaray dhaawac, B isaga ciqaabtu wey ka dhacaysaa maadaama uu isdifaacayey hadii ay dhimaystirmaan shuruudaha isdifaacu, halka Z isaga aaanay ciqaabtu ka dhacayn oo lagu ciqaabayo denbiga dhaawaca ee ku xusan Qod:440X.C.S. Haddii ay jiraan duruufo maadi ah oo ciqaabta ridaya, waxaa lagu dabaqayaa dhammaan denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaatay, sida ku cad Qod:80/2X.C.S. Tusaale, A, B iyo C ayaa waxa ay wada galeen denbi ka mid ah kuwa lagu dhaqaajiyo codsiga dhibanaha, gaar ahaan denbiga ku xusan Qod:482/1X.C.S. kadibna dhibanihii ayaa cabasho u soo gudbistay hay’adaha baarista, kadib ayuu dhibanihii waxa uu ka laabtay cabashadiisa uu ka cabanayo A keliya, sidaa sarteed ka laabashadaas waxaa lagu wada dabaqayaa dhammaan B iyo C, sida ku cad Qod:80/2X.C.S oo lala akhriyey Qod:85/2X.C.S. Waxaa kale oo ka mid ah Haddii mid ka mid ah denbiilayaasha denbiga kaqayb-qaatay loo fidiyo cafis gaar ah, sida ku cad Qod:149X.C.S, dhammaantood cafiskaas waa looga wada faa’iideynayaa. DHAMAAD
Xusuusin ku saabsan daabacaadda
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
Qoraalka asalka ah waxaa loo keydiyey sidii loo soo gudbiyey. Qoraalka iyo sawirrada waa in la hubiyaa in oggolaansho dib-u-daabacaad loo haysto.