Kaqayb-qaadashada Denbiga — Qaybta 1aad
Qeexidda kaqayb-qaadashada denbiga, tiirarkeeda iyo aragtiyaha qaanuunka.

Qoraal waxbarasho — dib-u-eegis sharci ayaa loo baahan yahay
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
KAQAYB-QAADASHADA DENBIGA (Criminal Participation/المساهمة الجنائية)QAYBTA 1AAD Published by mkurtun on February 7, 2026 Hordhac: Inta badan denbigu waxa uu ka dhacaa hal qof keliya, qofkaas ayaa ka fekera kadibna la yimaado, in dad badan denbi wadagalaan waa xaalado gaar ah. Tusaale ahaan qof ayaa raba in uu qof kale dilo, kadib markiii uu ku fekeray, isla isagaii ayaana fuliyey oo xabad ku dhuftay qofkuu u rabay in uu dilo. Laakiin mararka qaar waxaa dhacda in ay dad kale kala qayb qaataan denbiga, kuwaas oo mid waliba uu la imaanayo qayb ka mid ah denbiga. Tusaale ahaan, X,Y,C ayaa ku heshiyey in ay dilaan S. X waxa uu soo qaaday qorigii lagu dili lahaa, Y waxa uu soo ogaaaday Meesha laga heli karo iyo xiliga la heli karo, C isagauna waxa uu qaabilsanaa in uu xabadda ku dhufto, kdibna sidii ayaa lagu fuliyey dilka S. Falku marka uu qaabkaa u dhoco xeerarka aduunka qayb ka mid ahi, waxa ay u kala qaybiyaan, denbiilayaasha denbigaas gaystay, laba qaybood: Denbiile Asalka ah: (Principal/المساهم الأصلي) waxaana noqonaya C . Denbiile Taageray debiilaha asalka ah: (accessory/المساهم التبعي) waxaana noqonaya X iyo Y. waxaa kale oo dhici karta in X, Y, C, ay hal mar kuwada dhufteen xabadda S, kadibna uu sidaad ku dhintay. Xaaladdan oo kale dhammaantood waxay noqonayaan denbiilayaal asal ah. Xeerarka wadamada qaybtood, ma aysan kala qaadin ka qay-qaadashad adenbiga, balse waxa ay ka dhigeen isku mid ah, kan falka asalka ah geysta iyo kan ku taageeerayba, waxaana ka mid ah Xeerka Talyaaniga iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, sida aan ku arki doono iyada oo faahfaahsan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in denbiga asalka ah uu galo qof aan mas’uuliyad denbi qaadi karin, sida in ilma yar loo dirsatado in uu soo qabto boorso qof kale leeyahay, ama qof niyad wanaagsan uu qof kale ku yiraahdo shey meel yaal ii soo qabo isaga o iska dhigaya in uu isagu leeyahay balse sheyga uu leeyahay qof kale ujeedadiisuna ay tahay in u xado xado. Sidaa darteed, qormadan waxaan u qaybin doonnaa laba qaybood. Qaybta kowaad waxaan kaga hadli doonaa, Qeexitaanka kaqayb-qaadashada denbiga, Tiirarkeeda iyo madaahibta qaanuunka. Qaybta labaadna waxaan ku soo bandhigi doonaa, axkaamta kaqayb-qaadashada denbiga ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. QAYBTA KOOWAAD QEEXIDDA KAQAYB-QAADASHO DENBIGA, TIIRARKEEDA IYO MADAAHIBTA QAANUUNKA KOW: QEEXIDDA KA QAYB-QAADASHADA: Waxaa loola jeedaa kaqayb-qaadasho denbi, in hal qof ka badan uu la yimaado fal-denbiyeed, iyada oo ay suura gal tahay in falkaas uu la iman karo hal qof. Ama waa in an ay denbiga dhowr qof , iyaga oo qaybsanaya kaalinta uu mid waliba uu ka qaadanayo denbiga ay rabaan in ay galaan ([1]) . Tusaale, dhowr qof ayaa ku heshiyey in ay wax xadaan, waxa ayna kala qaybsadeen falka uu qof waliba la imaanayo, kan koowaad, waxa uu iska laha fikarada in wax la xado, kan labaadna waxa uu qaabilsanaa in uu soo diyaariyo wixii lagu jebin lahaa goobta la rabo in la xado, kan saddexaadna waxa uu qaabilsanaa in uu ka mashquuliyo qofka la rabo in gurigiisa la xado si uusan ugu soo laaban guriga inta uu socdo falka xatooyadu, midka afaraadna waxa uu qaabilsanaa in uu wadada ka ilaaliyo, kan shanaadna waxa uu qaabilsanaa in uu guriga jebiyo kadibna soo qaado wixii la rabay in la xado. Denbigaas lagu galay dhowrka qof, waxaa suura gal ah in uu hal qof galo, isaga keligiis ka fikiro, waxa lagu jebin lahaa goobta uu isagu soo diyaarsado, kadibna uu sidaa ku fuliyo denbiga. Laakiin in dhowr qof lagu galo denbiga waxa ay fududaynaysaa in fal-denbiyeedku u dhoco si fudud, halka ay ku adkaanayso mararka qayabtood in uu hal qof fuliyo. Waxaa laga yabaa in ay ku adkaato hal qof in uu la yimaado falka, sidaas darteed uu u bandhigo dad badan si ay ugu fududaato. LABO: TIIRARKA KA QAYB-QAADASHADA DENBIGA: Waxaan ku soo qeexnay ka qayb-qaadashada denbiga in ay tahay in dad badan ay kaqayb-qaataan denbiga. Si loo ogaado in denbi laga qayb-qaatay, waxaa lagama maarmaan ah in la helo laba Tiir. Tiirka koowaad waa in ay jiraan hal qof ka badan oo denbiile yaal ah. Tiirka labaadina waa in denbiga lagaqayb-qaatay uu yahay denbi kaliya. Tiirka Koowaad: waa in ay denbiilayaashu badan yihiin: Tiirka ama cunsurka kowaad ee kaqayb-qaadashada denbigu, waa in hal qof wax ka badan ay la yimaadaan denbiga, balse haddii hal qof uu la yimaado denbiga suura gal ma noqonayso ka qayb-qaadasho denbi. Haddii denbiiluhu hal qof yahay, balse uu galo dhowr denbi iyadana lama oran karo waxaa dhacay ka qaybqaadasho denbi ([2]). Waa ay kala duwn yihiin in hal denbiile uu gaytso wax ka badan hal denbi, iyo in ay dhowr qof ay gaystaan hal denbi. Xaalada hore waxaa lagu dabaqayaa qofka denbiyo badan gaysta axkaamta ku xusan in hal qof uu gaysto wax ka abdan hal denbi sida ku xusan Qod: 44 iyo 126 X.C.S. halka xaalada labaadna lagub dabaqayo axmaakta kaqayb-qaadashada denbiga ee ku xusun Q 71 X.C.S. Waxaa jira denbiyo ay gaystaan dad badan, misana aan ahayn ka-qayb qaadasho denbi, sida denbiyada ay gaystaan dadka isugu yimaada mudaharaadka rabshadaha wata, kuwaas oo gaysanaya denbiyo kala duwan, sida in qayb ka mid ahi ay gaystaan dhac, qaybna dhaawac, qayb kalena ay ku xadgudbaan Booliiskii rabay in ay kala eryaan. Xaaladda noocan oo kale ah, denbiile kasta waxa uu masuul ka noqonayaa denbiga uu gaytsya oo keli ah, sidaa darteed laguma xukumayo axkaamta ka qaybqaadasho denbi ([3]). Waxaa jira denbiyo ay Khasab tahay in ay gaystaan hal qof wax ka badan, hadii aan la helin hal qof wax ka badan aanay suurta gal noqonayn in ay dhacaan, denbiyadaas waxaa ka mid ah; Laaluushka([4]), waxaana lagama maarman ah si loo yiraahdo waxaa la galay fal-denbiyeedka laaluush in la helo, Laaluush qaate iyo Laaluush bixiye, hadii labadaas qof mid la waayo, waxa ay ka dhigan tahay in la waayo denbiga. Waxaa kale oo ka mid ah denbiga Sinada, oo ay waajib tahay in la helo , laba qof oo kala sinaystay , sababtoo ah suurta gal ma aha in ay sinadu ka dhacdo qof keliya iyada oo aysan jirin qof kale ([5]) . denbiyada noocan ah ee ay khasabka tahay in ay galan hal qof ka badan, ma qaadanayan axkaamta ka qayb qaadasho denbi. Ka qayb qadasho denbi marka la leeyhaya waa in denbiga hal qofna uu geli karo, wax ka bandanna ay geli karaan. Waa in denbigu yahay hal denbi: Si ay u suurta gasho ka qaybqadasho denbi, waa in denbiga laga qaybqaadano uu yahay hal denbi. Denbiguna waxa uu hal denbi noqonayaa maka Tiirka Maadiga ah iyo Tiirka Macnawiga ahi ay hal yihiiin, ama ay midoobaan. Mid ahaanshaha Tiirka Madiga ah: Tiirka maadiga ah waxa uu hal noqonayaa marka falalka ay denbiilayaashu la yimaadaan ay keenaan hal natiijo ([6]). Taas oo macnaheedu yahay in dhammaan falalka ay la yimaadeed denbiilayaasha kaqayb-qaadanaya denbiga, ay keeneen natiijo keliya. Tusaale ahaan marka laga qayb-qaato denbiga dil kas ah, marka la isku daro falalka mid kasta uu la yimi, waa in ay keenaan hal natiijo oo ah dhimashada qofka la dilay. Sidoo kale, waa in ay isku xiran yihiin falka uu qof kasta oo denbiga ka qaybqaatay la yimi iyo natiijada([7]). Tusaale ahaan haddii uu qof ku dhiiri geliyo qof kale in uu soo dilo qof sadexaad, kadibna uu sidaa ku dilo qof kii isaga oo ku socda dhiirigelintii, waxaa cad in falka dhiirigelinta iyo falka dilka ay sababeen natiijada dhimashada qofka la dilay, sababta oo ah haddii aysan jirin lahayn dhiirigelintu qofka falka geystay ma geysteen falka dilkaqofka dhintayna ma dhinteen. Sidoo kale qof ayaa waxa uu ogaaday in saaxiibkii uu rabo in uu dilo qof ay cadaw ku wada ahaayeen, kadibna waxa uu arkay saaxiibkii oo ka labalabaynaya dilka, sababata oo ah waxa uusan haysan wixii uu ku dili lahaa, kadibna waxa uu siiyey Qorigiisa si uu u adeegsado, kadibna isaga oo adeegsanaya Qorigii Saaxiibkii ayuu dilay qofkii. Qoriga uu siiyey waxa uu sababay natiijada dhimashada, haddii uusan siin lahayn natiijada dhimashu ma timaadeen. Waxaa dhici karka mararka qaar, in aysan isku xirmin falka kaqayb-qaadashada denbiga iyo natiijada. Tusaale ahaan qof ayaa qof kale ku dhiiri geliyey in uu dilo qof saddexaad, balse qofla lagu dhiirigeliyey denbiga ayaan qaadan dhiirigelintii saaxiibkii, maalin danbe ayaa waxaa dhacday qofkii la dhiiri geliyey iyo qofkii lagu dhiirigeliyey in uu dilo ayaa waxa ay isku khilaafeen Banooni ay ciyaarayeen, kadib ayuu dilay qofkii makrii hore la rabay in la dilo. Halkaas waxaa ka baxay xiriirka isku xirayey dhiirigelinta iyo falka, sababta oo ah falka dilku kama dhalan dhiirigelintiisa, sidaa darteed ma’suul kama noqonoyo falka dilka, qofka dhiirigelinta sameeyey inkasta oo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed uu garsooraha u banaynayo in uu saaro qofkaas dhiirigelinta sameeye in la saaro talaabooyinka ka-hortagga sida ku cad Qod:76 X.C.S. Mid ahaanshaha Tiirka macnawiga ah: Marka uu mid noqdo tiirka maadiga ah ee ka qaybqaadashada denbiga, waxa sidoo kale lagama maarmaan an in tiirka macnawiga ahina uu mid yahay. Taas oo macnaheedu yahay in uu qof walba uu og yahay falka qofka kale samaynayo, uuna doonayo in la sameeyo falalkaas. Sidoo kale wa in uu qiyaasi karo natiijada ka dhalan karta falalka lala yimi marka la isu geeyo([8]). Qofka qof kale siiya hub uu ku geysto dil kas ah, si loogu eedeeyo in u ka qaybqaatay denbiga dilka kaska ah, waa in uu ogyahay falka uu samayn doono qofka uu qoriga u dhiibay, falkaas oo ah in uu qof ku soo dilayo, sidaasna uu raali ka yahay. Denbi kama’ ah ma laga qaybqaadan karaa? Fuqahadada qaanuunku wey ku kala qaybsameen su’aashaa, aragtida loo badan yahay waxa ay qabtaa in ay suurtagal tahay in laga qaybqaato denbi kama’ ah oo aan kas ahayn([9]). Tusaale haddii qofka gaariga leh uu dareewalkiisa ku amro in uu wadada ku maro inta la ogol yahay wax ka badan, kadibna gaarigu shil galo, shilkaasna ay ka dhalato dhaawac ama shimasho, ninka gaariga iska leh waxa uu noqonayaa mid ka qaybqaatay denbiga dhaawaca ama dhimasha kama’a ah. SADDEX: MADAAHIBTA QAANUUNKA EE KAQAYB-QADASHADA DENBIGA Kaqayb-qaadashada denbigu waxa uu ka mid yahay dowduucyada ugu dooda badan dhanka fuqahada qaanuunka. Sababta dooda badan keeneysa ayaa ah sid loola dhaqmayo dadka badan ee denbiga ka qaybqaatay, dadkaas oo mid walba uu la yimi fal ka duwan falalka kale ee ay la yimaadeen. Tusaale, waxaa denbiga ka qaybqaatay saddex qof, mid waxa uu lahaa Qoriga wax lagu dilay, midka labaadna waxa uu soo shirqoolay qofka la dilayo, halka midka sadexaadna uu ahaa qofka xabadda ku dhuftay qofka la dilayey. Dhamaantood ma isku mid ayaa laga soo qaadayaa mise waa la kala qaybinayaa, haddii la kala qaybiyo muxuu yahay halbeegga lagu kala qaybinimayo, mararka qaar waxaa laga yaabaa qofka falka fuliyey in uu ka khatar badan yahay qofka ku dhiirigeyey ee ka shaqeeyey dilka. fuqahada qaanuunku waxa ay u qaybsameen dhowr qaybood si ay xal ugu helaan dooda kaqayb-qaadashada denbiga. Qaybta koowaad, waxa ay qaateen aragti ah in dhammaan denbiilayaasha denbiga ka qaybqaatay ay isku mid yihiin, iyada oo aan la eegeyn kaalinta mid kasta uu ku leeyahay denbiga laga qaybqaatay, laguna wada ciqaabayo dhammaantood ciqaabta denbiga ay ka qaybqaateen. Qaybta labaadna, waxa ay qaateen aragti ah in denbiile kasta uu mas’uul ka noqonayo denbiga si gaarkiis ah oo ka madax banaan denbiyada ay cid kale geystay. Qaybta saddexaadna, waxa ay ku tageen aragti ah in denbiilayaasha kaqayb-qaatay denbiga la kala qaybiyo, loona kala qaybiyo qof kasta kaalinta uu ku leeyahay denbiga. Waxaan soo bandhigi doonaa, aragtiyaha madaahibtaas, iyo mid kasta waxa lagu dhaliilay, kadibna waxaan ka hadli doonaa aragti uu qaatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Kow: Mad-habka simay dhammaan denbiilayaasha: Aragtida mad-habkan waxa ay qabaan in denbiilayaasha si kasta oo kaalintoodu u kala duwan tahay, ay ka mideysan yihiin in ay xaqiijiyaan denbiga ay kaqayb-qateen, qof kastana waxaa laga soo qaadayaa in uu yahay kii falka gaystay([10]), waxaana lagu ciqaabayaa qof kasta ciqaabta denbiga uu ka qaybqaatay, wax ahmiyad ahna ma leh kala duwanaanta ay kala duwan tahay kaalinta uu mid kasta ka qaatay denbiga. Aragtidan waxaa asal u ah oo ay ka duulayaan in sababaha isku xira falka iyo natiijada (Causation/ علاقةالسببية) denbiga ay siman yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in qof kasta falka uu la yimi uu la siman yahay falalka kale si loo xaqiijiyo natiijada denbiga ah, taas oo haddii mid ka mid ah ay kaalintiisu meesha bixi lahayd, uusan denbigu u dheceen sida uu u dhacay, sidoo kale waxa ay rabeen in ay xaqiijiyaan natiijada denbiga ah([11]). Sidaa darteed maadaama, falalkooda iyo rabitaankoodu siman yihiin, waxaa khasab ah in ay isku xukun noqdaan, hal ciqaabna lagu wada xukumo. Waxayaabaha lagu dhaliilay mad-habkan, waxaa ka mid ah in ay denbiilaayu u kala khatar badan yihiin hadba sida ay u kala duwan tahay kaalinta mid kasta uu ka qaatay denbiga, waxa ayna ahayd in ay u kala qaybiyaan denbiileyaal denbiga gaystay iyo kuwo ka qaybqaatay. Waxa kale oo ay ka hor imaanaysaa, aragtida cusub ee ciqaabta, taas oo sal ka dhigaysa in ciqaabta lagu saleeyo hadba falka uu geystey qofku iyo khatartiisu inta ay le’egtahay([12]). Labo: Mad-habka kala qaybiyey denbiilayaasha iyo denbiyada: Mad-habkani waxa uu kaga duwan yahay mad-habkii hore, waxa uu diidan yahay in ay jirto hal denbi oo laga qayb-qaatay, waxa ayna qabaan in denbigu badanayo haddii denbiilayaashu ay badan yihiin. Sababata oo ah waxa ay leeyihiin waxaa jira falal badan oo kala duwan iyo niyadda denbiilayaasha oo kala duwan, denbi kastana sidiisa ayuu u noqonayaa denbi madax banaan oo gaarkiis u taagay([13]). Qofka ku dhiirigeliya qof kale in uu wax dilo, waxa uu ma’suul ka noqonayaa denbiga dhiirigelinta, iyada oo aan la eegeyn in denbiga uu dhiirigeliyey la fuliyey iyo in aan la fulin. Sidoo kale qofka qof kale kula heshiiya in ay wax xadaan, waxa uu mas’uul ka noqonayaa heshiiska denbiga. Xujooyinka ay ku adkeyeen doodooda waxaa ka mid ah, in qof kasta la weydiinayo falka uu isagu la yimi ee aan la weydiinayn fal qof kale la yimi, taas oo keeneysaa in si sax ah loo dabaqo xeerka. Sidoo kale waxaa lagu ciqaabayaa denbiile kasta ciqaabta ku haboon, si ay bulshadau uga badbaadaan khatartiisa([14]). Dhaliilaha loo soo jeediyey Mad-habkan, waxaa ka mid ah, in ay isku mid ka dhigeen, denbi uu qof iskii u galay isaga oo keligiis ah, iyo denbi dad badani kaqayb-qaateen, waxa ayna iska indha tireen, xiriirka ka dhexeeya ee isukeenay denbiilayaasha oo ay ugu muhiimsan tahay ujeedada oo ah in ay xaqiijiyaan natiijo denbi gaar ah. Sidoo kale waxaan suurtagal ahayn in denbiile kasta la eego falka uu galay maadaama ay rabaan in ay xaqiijiyaan hal natiijo([15]). Waxyaabaha kale oo lagu dhaliilay waxaa ka mid ah, haddii fal kasta goonidiisa loo eego oo aan la isku geyn falalka midka kasta oo denbiileyaasha ka mid ah, waxaa ka dhalanaysa in qaybo ka mid ah falalka ay sameeyeen aysan denbi noqonayn. Tusaale, dhowr qof ayaa ku heshiiyey in ay guri xadaan, kadibna mid ka mid ah ayaa waxa loo diray in uu soo sameeyo Jaranjaradii Guriga lagu fuuli laha kadibna waxa uu soo sameeyey Jaranjaradii, dabadeedna Gurigii ayaa loo dhacay, waxaana laga soo xaday lacag. Haddii denbiile kasta gaarkiis loo eego, ninka denbiga kaga qaybqaatay in uu soo sameeyo Jaranjarada, wax denbi ah ma yeelanayo, sababta oo ah in Jaranjaro la sameeyo iskeed denbi uma aha, balse waxa uu denbi yeelanayaa marka falku hal yahay, falalka oo la isu geeyeyna ay ka dhalatay natiijo ah in wax la xado, Jaranjaraduna waxa ay ka mid noqonaysaa agabka denbiga lagu galay. Saddex: Mad-habka kala qaaday denbiilayaasha: Fuqahada mad-habkani waxa ay qaateen aragti ah in denbiilayaasha loo kala qaybiyo laba qaybood. Qaybta kowaad; waa kuwa denbiga si toos ah u fuliyey isla markaana qaatay kaalinta ugu weyn ee denbiga, waana denbiilayaasha asalka ah (Principals/المساهمون الأصليون). Qaybta labaadina; waa denbiilayaasha kaalintooda kaqayb-qaadashada denbiga ay yar tahay marka loo eego denbiilayaasha asalka ah, waxaana lagu magacaabaa denbiilayaasha kaalmeeya denbiilayaasha asalka ah (Accessories/ المساهمون التبعيون)([16]). Denbiilayasha asalka ahi waa kuwa la imaanaya falal iskood denbi u ah, sida qofka xabada ku riday qofka uu rabay in uu dilo, ama qofka gacanta ku soo qaatay sheygii la rabay in la xado, denbigaa ay geysteen waa lagu ciqaabayaa xataa haddii aanay cid kale kalaqayb-qaadan. Halka denbiilayaasha kaalmeeya denbiilaha asalka ah, ay denbiileyaal ku noqonayaan kaalmaynta ay keelmeeyeen denbiilayaasha asalk ah, waxaana laga yaabaa falka ay la yimaadeen in uusan iskii u ahayn denbi, sida tusaalaha aan hore u soo aragnay ee ku saabsanaa qofka Jaranjarada u sameeya denbiilaha asalka ah ee raba in uu wax xado, samaynta Jaranjarudu iskeed denbi uma aha, waxaase denbi ka dhigay falka asalka ah ee uu la yimi denbiilaha asalka ah([17]). Xeerarka ciqaabtu waxa ay u kala qaybsameen marka la joogo ka qaybqadashada denbiga, sadexdaas mad-hab, waxa ay u badan yihiin mad-habka saddexaad ee u kala qaybiyey denbiilayaasha denbiga ka qaybqaatay kuwo asal ah iyo kaalmeeyey. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxa uu ka soo jeedaa oo intiisa badan laga soo qaatay Xeerka Ciqaabta e Talyaaniga ee soo baxay 1930. Waxa uuna qaatay aragtida mad-habka simay dhammaan denbiilayaasha. Qod:71 X.C waxa sheegayaa ” Haddii dhowr qof ay ka qaybqaataan hal denbi, waxaa lagu ciqaabayaa ciqaabta denbigaas, haddii aanu sharcigu si kale u qeexin “. sidaa darteed Xeerku ma adegsan ereyo ku tusuya denbiile asal ah iyo mid kaalmeeyey denbiilaha asalka ah, iyo wax kasta oo ku tusata in ay kala duwan yihiin denbiilayaasha denbiga ka qaybqaatay. Sidoo kale Xeer Ciqaabtu sinnaanshaha denbiilayaasha kama uusan dhigin hal mid, balse waxa uu xusay duruufo keeni kara in ciqaabta denbiilayaasha qaar la kordhin karo halka qaarna ay tahay in laga dhimo. F/G La soco Qaybta labaad
Xusuusin ku saabsan daabacaadda
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.
Qoraalka asalka ah waxaa loo keydiyey sidii loo soo gudbiyey. Qoraalka iyo sawirrada waa in la hubiyaa in oggolaansho dib-u-daabacaad loo haysto.