Maqaallo Soomaali ah

Denbiga Lacag-dhiqista

Maqaal waxbarasho oo sharxaya fikradda lacag-dhiqista, erayga Soomaaliga ee maydhaan iyo nidaamka ka-hortagga.

Lacago waraaqo ah oo la sudhay si sawir ahaan loogu muujiyo lacag
Sawir tusaale ah. Sawirku ma aha caddeyn maxkamadeed ama dhacdo dhab ah.

Qoraal waxbarasho — dib-u-eegis sharci ayaa loo baahan yahay
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.

DENBIGA LACAG-DHIQISTA Published by mkurtun on July 7, 2025 Hordhac: Ereyga Lacag-dhiqis waxa uu aad u soo shaac baxay Soddomeeyadii Qarnigii Labaatanaad, waxa uuna ka soo baxay Dalka Maraykanka. Waxaa jirtay koox burcad (Mafiyo) ah, kuwaas oo lahaa Dukaamada Dharka iyo Baabuurta lagu dhaqo, waxa ayna ku qarin jireen lacagta faa’iidada ah ee dhaqista dharka iyo lacagta ay burcad-nimada ku helaan, si ay uga dhigaan lacagta burcad-nimada lagu helay in ay tahay lacag sharci ah oo ka soo gashay faa’iido ay ka heleen dhiqida dharka iyo Baabuurta. Lacagta ku soo gasha sifada aan sharciga ahayn, sida Maandooriyaha, Qamaarka, Dhillaysiga, ka ganacsiga Khamrada, dambiyadaan oo dhamaantood mamnuuc ahaa xilliyadaas, iyo lacagta ku soo gasha sifo sharci ah, ayey isku dari jireen waxa ayna dhigan jireen Bangiyada, iyaga oo qarinaya asalka lacagta sharci darrada ku soo gashay. Ugu danbayn waxaa la qabtay Hogaamiyahoodii oo lagu magacaabi jirey Al-Kabul, waxaana loo gudbiyey Maxkamada 1931, waxaana lagu eedeeyey in uu ka cararay bixinta Canshuurta, sababta oo ah ma jirin xeerka lacag-dhiqistu, dambina ma ahayn. Hadaba, waxaan is weydiineynaa waa maxay Lacag-dhiqis? Heerar nooce ah ayey martaa si loo sameeyo? KOW: QEEXIDDA LACAG-DHIQISTA: (2) QARINTA ASALKA LACAGTA (Lyering/التمويه): Marka lacagta laga shaqaysiiyo ee la dhigo Bangi ama Shirkado lagu darsado ama wax lagu iibsado, waxaa imaanaysa marxaladda labaad oo ah in lacagtaa asalkeeda la qariyo, si aan looga daba tegin oo aan loo ogaan asalkeeda aan sharciga ahayn. Tusaale ahaan, lacagtii aad Bangiga dhigatay ee aad ka dhigtay in ay tahay lacag kugu soo gashay in aad ka faa’iiday Dukaan ama Meherad aad adigu leedahay, lacagtaas hadii ay Bangiga sidaa ugu sii jirto, waxaa suurtagal ah in mar uun laga shakiyo. Sidaa darteed waxa ay sameeyaan denbilayaashu in ay lacagtaas sii maalgeliyaan oo ay mashaariic kale geliyaan, ama ay u xawilaan waddamo kale si ay u maalgashtaan. Lacag-dhiqistu (Money Loandaring/غسل الأموال) sida laga dhadhansan karo ereyga “Lacag-dhiqis” waxaa laga keenay dhiqista dharka, dharka marka la dhaqo waxaa laga saaraa wixii wasakh ah si uu sheygu u noqdo mid nadiif ah. Sidaas oo kale waxa la dhaqayaa lacag wasakhaysan oo lagu helay sifo aan sharci ahayn, sida in lacagta laga helay ka-ganacsiga Maandooriyaha, Laaluushaka, Ka-ganacsiga Dadka iyo sifo kasta oo aan sharci ahayn, si lacagtaas looga dhigo lacag nadiif ah, waxaa la marinayaa habraacyo sharci ah si loo qariyo asalka lacagta, si ay ugu danbayn ugu muuqato, lacag hab sharci ah lagu kasbaday. Fuqahada Qaanuunka qayb ka mid ahi waxa ay ku qeexeen Lacag-dhiqista in ay tahay “in loo xawilo ama loo beddelo lacag lagu helay sifo aan sharci ahayn, iyada oo la qarinayo asalkeeda aan sharciga ahayn, si ay u noqoto mid sharci ah, qofkii falkaa sameeyeyna uu u noqdo qof haysta lacag nadiif ah oo sharci ah”. Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka ka ganacsiga aan sharciga ahayn ee Maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya ee lagu qabtay Fiyeena (Viena) 19 December 1988, waxaa lagu qeexay Lacag-dhiqista Qod:3aad faqradihiisa (b) iyo (c) in ay tahay “ in la xawilo ama la guuriyo lacag iyada oo la ogyahay in laga helay lacagtaas denbi ama denbiyada ka-ganacsiga maandooriyaha iyada oo la qarinayo asalka lacagta ee lagu kasbaday sifo aan sharci ahayn, ama ujeedadu ay tahay in la garabsiiyo eedeysane si uu u galo denbiga ama markii uu galay kadib denbiyadaa aan soo sheegnay si uu uga baxsado raadadka sharci ee ka dhalan kara ficiladiisa. Heshiiska Qaramada Midoobay ee ladagaalanka kaganacsiga aan sharciga ahayn ee Maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya waxa ay ku koobtay baaxadda (Scope) denbiga Lacag-dhiqista, lacagaha laga kasbaday ka-ganacsiga Maandooriyaha iyo waxyaabaha maanka saameeya, sababtuna waxa ay ahayd in xilliga la galayey heshiiskan ay aad u xooganaayeen, khatartooduna ay badnayd kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha, maadaama ay haystaan lacag aad u badan oo ay ka kasbadeen Maandooriyaha, taas ayaana keenatay in xiligaas lagu koobo Baaxaddda Lacag-dhiqista, lacagaha laga kasbado kaganacsiga maandooriyaha. Qeexitaankaasi waa qeexitaan koobaya baaxadda iyo ilaha denbiga Lacag-dhiqista oo intaas ka baaxad weyn, oo ay soo galayso lacag kasta oo lagu kasbado sifo aan sharci ahayn, kadibna la isku dayo in loo ekeysiiyo lacag sharci ah. Sidoo kale Hay’adda Guud ee Guddiga Hab-socodka Maaliyadda Adduunka (Financial Action Task Forse ) ee loosoo gaabiyo (FATF) waxa ay ku qeexeen Lacag-dhiqista in ay tahay “ in la qabto dhowr hawlgal ama shaqo oo lagu sameeyo lacagaha lagu helay asalkeeda sifo aan sharci ahayn ujeedadeenu ay tahay sidii loo qarin lahaa asalka lacagta ee aan sharciga ahayn, hawlgaladaasi ama shaqooyinkaasi waxa ay muhiim weyn u tahay denbiilayaasha, sababta oo ah waxa ay u suura gelinaysaa in ay ka faa’iidaystaan oo ay ku raaxaytsaan lacagtaas ay ka kasbadeen denbiyada iyaga oo aan ka baqayn wax khatar ah oo ku timaadda lacagtaas. Sababta aysan uga baqayn khatar waa in ay sameeyeen shaqooyin ka dhigaya lacagtaas mid u eg in ay tahay sharci iyada oo aan la ogaan asalkeeda aan sharciga ahayn. Dhaqanka Soomaalida waxaa jira erey u dhigma Lacagdhiqista, kaas oo ah “Maydhaan ama Maydhaamin” waxaana lagu qeexay in uu yahay “Xoolo la xaday oo xoolo kale lagu badasho si loogu raadgado ama loo tiritiro raadkeeda” . Waxaa dhici jirtay in uu qof xado xoolo qof kale leeyahay, xoolahaas kuma dhaqankaro karo deegaanka uu ka xaday maadaama si fudud lagu ogaan karo. Hadaba si aan loo ogaan waxa uu samaynayaa in uu kala tago deegaankii uu ka xaday oo uu la tago deegaan aad uga fog, markaas ayuu xoolihii iska gadayaa ama waxa uu ku soo bedelanayaa xoolo kale oo ka duwan, markaas kadib ayuu deegaankiisii ku soo laaban isaga oo wata lacag ama xoolo kale. Haddii uu lacag ku soo bedeshey, lacagtaas ayuu ku gadan xoolo kale, xoolahaas danbe ee uu gato asalkooda waxa ay ka yimaadeen xoolo xaaraan ah, hase yeeshee waxa ay u muuqdaan in yihiin kuwo xalaal ah dadkuna aysan ka shakiyeen asalkooda. Ereyga Meydhaan waxa uu ku jiraan Suugaanta Soomaalida, waxaana ka mid ah suugaantaas, Maansada Mullaax ee Abwaan Ibraahim Gadhle AUN. Muhmal laguma guuree, Danni ma-hure haw dilin, Maan fayow ha ceebayn, Ha marmarin waxaan jirin, Maamuuska sharaftana, Ka ilaali meydhaan. Waxaa kale oo ka mid ah Maansada Barabaraale ee uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” AUN ee soo baxday 1983, wxaana ka mid ahaa ereyadeeda: Shaashowday bilicdii, Ban martoo la garan waa, Badhxantoo la maydhaan, Waxa lagu ballaysimay Indho buuryo goyseed. Waxaa kaloo ka mid ah heesta “Dhalinyaarada Maanta” ee uu lahaa Abwaan Xasan Sheekh Muumin AUN, ayna ku luqeysey fanaanad Hiba Nuura, oo ay ka mid ayaayeen ereyadeedu: Magacaanay biri goyn Biyana aanay maydheen “Maydhaamin” kii yidhi Inuu mahadin dooniyo Inuu hadimo magansado Labadaa(s) midkooduu Ka la miiran doonaa! Lacagaha lagu kasbaday sifo aan shari ahayn ee ladhaqo Adduunka oo dhan, waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan Sannadkii 2-5% wax-soosaarka adduunka (global GDP) taas oo u dhiganta 800 oo Bilyan ilaa 2 Tiriliyoon oo Doolar. Wadanka Maraykanka oo keliya Sannadkii waxaa la dhaqaa lacag lagu qiyaasay $300 oo Bilyan. Lacag dhiqistu kuma gaar aha Dowladaha wax soo saarka leh, laakiin waxa ay aad ugu faaftay dowladaha aduunka oo dhan, gaar ahaan dowladaha nidaamkooda sharcigu aad aad u hooseeyo. Qiimaynta lagu sameeyey denbiyada ugu badan ee lagu sameeyo lacag-dhiqista, waxaa ugu horeeya Denbiga Ka-ganacsiga Dadka waxaana laga faa’iidaa 1.1 Tiriliyoon Doolar Sannadkii. Waxaa ku xiga Maandooriyaha oo laga faa’iido 1 Tiriliyoon Doolar, waxaa ku sii xiga ka-ganacsiga Hubka oo lagu qiyaaso 984 Bilyan oo Doolar, waxaa ku sii xiga tahriibinta Dadka oo lagu qiyaaso 954 Bilyan oo Doolar. Soomaaliya in sharciga la-dagaalanka lacagdhiqista loo sameeyo 2016, waxaa keenay, kadib markii Hay’adda Guud ee Hab-socodka Maaliyadda Adduunka ( Financial Action Task Force) ee loo soo gaabiyo FATF, ay ku go’aamisay shirkeedii dhacay Bishii 10aad 2015, in marka la gaaro 1/1/2016 wadamada aan samaysan Sharciga la dagaalanka lacag dhiqista iyo waxyaabaha sharci darrada ah, laga joojin doono dhammaan wixii dhaq-dhaqaaq iyo isu gudbin lacageed ah, oo ay ku jiraan Xawaaladaha, Bangiyada Gaarka loo leeyahaya, Bangiga dhexe ee dowadda, lacagaha ganacsiga la isugu gudbiyo, iyo deeqaha lacageed ee dalka lagu taageero. Go’aan kaasi markii uu soo baxay, ganacsatada Xawaaladaha iyo Bangiyada ayaa waxa ay u soo jeediyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka, in la dedejiyo Sharciga La dagaalanka Lacag-dhiqista, maadaama Soomaalida noloshooda boqolkiiba afartan 40% ay ku tiirsantahay lacagaha dibadda laga soo diro, halka ganacsigooduna Boqolkiiba Sagaashan iyo Shan 95% uu ku xiran yahay dibadda. Sidaas ayuu ku soo baxay Sharciga la dagaalanka Lacag-dhigista iyo maalgelinta argagixisadada ee Sharci Lr.01 ee soo baxay 21/2/2016. Xeerka ka Hortagga Lacag-dhiqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada Soomaliyeed ee Xeer Lr.01 ee soo baxay 21/02/2016, laguma qeexin Lacag-dhiqista, laakiin waxa lagu xusay xaladaha qofka lagu eedayn karo in uu galay denbiga lacag-dhiqista. Sida ku cad Qodobka 2aad ee Xeerka ka Hortagga Lacag-dhiqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada, qof kasta ama Hay’ad kasta, waxa ay noqon karaan in ay galeen faldenbiyeedka lacag-dhiqista marka ay gacan siiyaan Qof ama Hay’ad ku jira ama ku jirta faldenbiyeedka Lacag-dhiqista si ay uga baxsadaan sharciga haddii: Uu ogyahay ama ay ahayd in ay uu ogaado in lacagta ama hantida dhammaanteed ama qayb ka mid ah, qofka ama Hay’adda uu gacanta siiyey ay ku kasbadeen sifo aan sharci ahayn ama faldenbiyeed, isaga oo sameynaya: In uu beddelo, qariyo, raad-tiro, xawilo lacagta ama hantida. In uu qariyo ama raad-tiro asalka lacagta ama hantida sharcidarrada ah. In uu kasbado, isticmaalo, ama uu gacanta ku dhigo lacagta ama hantida lagu kasbaday sifada aan sharci ahayn. Uu ka qayb-qaato, iskudayo, taageero, dhiirrigeliyo, u fududeeyo, qof kale ama Hay’ad, si uu galo/gasho mid ka mid ah falalka aan kor ku soo xusnay. Uu galo denbiga asalka (predicate crime) ee lacagta laga keenay, isla markaasna hantiya, haysta, ka tala bixiya, qariya, isticmaala, xawila lacag ama hanti ku soo gashay sifo aan sharci ahayn ama asalka lacagta ama hantida ay yihiin sharcidarro. Haddii la soo saaro ama la isku dayo in la soo saaro nooc lacageed ama agab lacageed oo la xiriira dhaqidda lacagta ama maalgelinta argagaxisada. Xeerka ka Hortagga Lacag-dhiqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada, Qodobkiisa 2aad ee aan kor ku soo xusnay, waxa uu ka dhigay in la galayo denbiga lacag-dhiqista, keliya marka la gacan siiyo qof ama Hay’ad ku jirta denbiga lacag-dhiqista, waxaana meesha ka maqan in uu denbiga lacag-dhiqista uu geli karo qof ama Hay’ad iyada oo aan cidna gacan siin. Sidaa darteed waxa ay ku habbooneyd in la yiraahdo ” qof kasta ama Hay’ad kasta oo la timaadda mid ka mid ah falalka hoos ku xusan ama ku gacansiiya waxaa laga soo qaadayaa in uu galay denbiga lacag-dhiqista, sida ay u badan yihiin Dowladuhu. LABO: HEERARKA AY MARTO LACAG-DHIQISTU (The Process of Money Laundering): Haddii qofka ay lacag ku soo gasho sifo aan sharci ahayn, sida ka ganac-siga Maandooriyaha, kaganacsiga Dadka, Laaluushka, Xatooyada, iyo denbiyada la midka ah. Waxaa laga yaabaa in lacagtaasi ay ku soo gasho iyada oo warqado ama kaash (Cash) ah, lacagtaas haddii uu kaash ku sii haysto waxaa suura gal ah in la ogaado, laguna qabto kadibna lagu Maxkamadeeyo. Haddaba, si lacagtaas loo dhoqo, loogana dhigo ama loo ekeysiiyo lacag nadiif ah oo sharci ah, waxaa ay denbiilayaashu mariyaan heerar kala duwan, si loo qariyo asalkeeda aan sharciga ahayn. Tusaale: waxaad haysataa 100,000$ (Boqol Kun oo Doolar) oo kaash ah, oo kaa soo gashay Maandooriye, lacagtaasi waxa ay kuu taal gurigaaga, mar kasta oo ay guriga taal waa mar kasta oo aad khatar ugu jirtid in lagugu ogaado karibna lagugu qabto, kadibna ay caddayn kugu noqoto Maxkamadda Horteeda. Si lacagtaas looga dhaqo asalkeeda aan sharciga ahayn, waxaa la marinayaa marxalado kala duwan, marxaladahaas oo kala ah: In Lcagtii laga shaqaysiiyo (Placement). in la qariyo asalkeeda (Lyering). In la dhexgasho (Integration) lacagtii lacago kale oo sharci ah, si asalka lacagtu u qarsoonto ugana mid noqoto lacagaha sharciga ah ee wadanka. (1)KA-SHAQAYSIINTA LACAGTA( Placement/توظيف ): Si lacagta loo dhoqo, marxaladda koowaad ee la mariyo waa in lacagtii laga shaqaysiiyo, si lacagta asalkeeda sharci darada ahna meesha looga saaro, loona ogaan in asalkeeda laga kasbaday denbi. Siyaabaha looga shaqaysiinayo lacagta waxaa ka mid aha: in loo sameeyo Akoon (Account) Bangi, kadibna lagu shubo Lacagta. Waxaa suura gal ah haddii nidaamka sharci ee wadankaasi adag yahay in lagu weydiiyo, lacagta meesha aad ka keentay ama aad ka kasbatay inta aan lagaa qaban, haddii laga shakiyona warbixintaada loo gudbiyo Hay’adaha ku shaqada leh, markaas oo kale waxaa ay sameeyaan denbiilayaashu in ay furaan mashruuc ganacsi oo kooban, sida Dukaan ama Makhaayad ganacsi, Dukaankaas ama Makhaayaddaas u jeedadeedu ma aha in lacag laga faa’iido, laakiin ujeedadeedu waa in laga dhigo in laga helo maalin kasta lacag faa’iido ah, kadibna lacagtaas la geeyo iyada oo wadata waraaqihii Dukaanka ama Makhaayadda ee wax lagu iibiyey oo lagu dhex daray qayb ka mid ah lacagtii sharci darada ahay Bangiga, Bangiguna sidaas ku aqbalo maadaama uu ogaaday asallka lacagta uu qabanayo. Lacagta la dhigayo Bangiga waa la yar yareenayaa si aan looga shakin. Mudo kadib waxaa laga yaabaa in lacagtii oo dhan sidaas lagu dhigo Bangiga iyada oo laga dhigay lacag sharci ah. waxa kale oo ay sameeyaan denbiilayaashu In ay iibsadaan Waraaqaha Ganacsiga (Negotaible Instrument), in ay ku daraan lacagta Shirkado jira oo shaqaynaya ama kuwo been ah, ha ahaadaan kuwo wadanka ku yaal ama wadanka dibaddiisa iyo in ay u bedelaan Lacagta Lacag-qalaad. In ay ku gadaan Dhulal, Guryo iyo wixii la midka ah. Marxaladani waa marxaladda ugu khatar badan, sababtoo ah waxaa la rabaa in lacagta la geliyo Bangiyada iyo hay’adaha ganacsiga, iyada oo aan laga shakin asalkeeda, waana marxaladda la ogaan karo inta badan lacag-dhiqista. Marxaladdni waa marxaladda ugu adag ee ay maraan denbiilayaashu marka ay rabaan in ay dhaqaan lacagta ku soo gashay sifada aan sharciga ahayn, sababta oo ah, waxaa laga yaabaa in lacagtaasi ay marto waddamo badan, ama in lagu sameeyo Ganacsiyo kala duwan ama lagu daro Shirkado kala duwan. Sidaa darteed denbiilayaashu, waxa ay u baahanyihiin si ay marxaladdan uga gudbaan iyada oo aan la ogaan asalka lacagta, loona qaban, dad khuburo ku ah arimaha Sharciga iyo Maaliyadda si ay uga tala bixiyaaan sida ugu fudud ee lacagtaas loo qarin karo. Siyaabaha lacagta loo qarin karo waxaa ka mid ah, in lacagta lagu maal-geliyo ganacsiyo kala duwan iyo waddamo kala duwan, kadibna dib loo iibiyo ama laga guuro ganacsiyadii hore iyada oo loo guurayo ganacsiyo kale, si loo jahwareeriyo Hay’adaha Dowladda si aanay u ogaan asalka lacagta. Waxaa kale oo ay sameeyaan in ay la heshiiyaan Bangiyada wadanka ama kuwa Ajnabiga ah, si lacagtii la dhigtay loogala baxo iyada oo la isticmaalayo Kaararka Bangiyada lacagta lagula baxo. (3) DHEX-GELINTA LACAGTA (Integration/الدمج): Marxaladdani waa marxaladda ugu danbaysa ee ka dhigaysa lacagtii aan sharciga ahayn mid sharci ah, oo aan laga shakiyi karin asalkeeda. Sababta oo ah waxaa la dhex-gelinayaa lacagta sharci darrada ah ganacsiga wadanka ee sharciga ah. Sidaa darteed waxaa adkaanaysa in la kala saaro lacagtii asalka ahayd iyo lacagta sharciga ah. Waxa ayna samaynayaan denbiilayaashu Mashaariic waaweyn, oo dhaqaalaha wadanka kor u qaadi karta, amaba dowladda ay cashuuri ka soo galayso, gaar ahaan dowalahada aadka u soo dhaweeya maal-gashiga, si ay u yareeyaan shaqa la’aanta haysata bulshada, qofkii denbiilaha ahaana waxa uu u keenayaa qof aan denbi lahayn maadaaama uu bixinayo canshuurta. Waxaan soo sheegnay saddex marxaladood oo ay marto lacag-dhiqistu, si ugu danbayn denbiiluhu uga faa’iidaysto lacagtii uu dhaqay isaga oo aan la tuhunsaneyn. Tusaale, waxaan soo sheegnay in marka denbiilaha lacag sharci darro ah ay soo gasho, uu isku dayo lacagtaa in uu geliyo hay’adaha lacagta, gaar ahaan Bangiyada, lacagta uu haysto waxaad ka soo qaaddaa in ay tahay 50,000$ oo Doolar. Si aan loo weydiin asalka lacagta meesha uu ka keenay, waxa uu samaynayaa mashruuc yar oo ganacsi oo qiimihiisu yahay 10,000$, mashruucaas waxa uu ku dhex qarinayaa lacagtii sharci darrada ahayd. Waxa uu Bangiga dhigayaa lacag dhan 250 ilaa 500$ oo Doolar maalin ama bil kasta, lacagtaas oo uu ka dhigayo in ay tahay faa’iidadii ka soo xarootay ganacsiga, laakiin aan ahayn faa’iido, mana kala jecla isagu in mashruuca uu furay ay lacag ka soo gasho iyo in kale. Ugu danbayn lacagtii waxaa uu wada dhigayaa Bangiga iyada oo ay la socoto waraaqihii ganacsiga muddo kooban gudaheed. Marka uu denbiiluhu lacagtii uu dhigo Bangiga, waxa uu ku fekerayaa inta aan la ogaan lacagta asalkeeda, in lacagtii uu ku galo mashaariic kale, sida in uu lacagtii uu u xawilo wadan kale isaga oo furanaya tusaale ahaan shirkad ka ganacsata iibinta iyo kiraynta dhulalka. Waxaa laga yaabaa sidoo kale in uu muddo kadib u wareego ka ganacsiga badeecadaha kala duwan, isaga oo wadankaa uu maalgashanayo si sharci ah u raacaya xeerarkiisaa maalgashiga iyo ganacsiga. Muuddo kadib waxaa laga yaabaa in uu dib u iibiyo ganacsiyadii, kadibna wadankii uu markii hore lacagta sharci darrada ah ka kasbaday, uu dib ugu soo celiyo lacagtii oo intii ka badan, isaga oo ka dhigaya in ay ganacsi ku soo gashay, waraaqihii iyo sharciyadiina haysta. Markaa kadib ayuu dib u maalgashanayaa wadankiisii oo ah meeshii uu ka kasbaday asalka lacagta, isaga oo ah muwaadin caadi ah wax denbi ahna aan lagu tuhusaneen, canshuurta ku waajibtayna bixinaya. Lacagtii asalkeedu sharcidarada ahayd hadda waxa ay ku milantahay ganacsiga caadiga ah, weyna adagtahay mar hadii ay marxaladdan soo gaarto in la ogaado asalka lacagta. Ugu danbayn, lacag-dhiqistu waxa ay dhibato ku tahay dhaqaalaha dowladaha oo dhan, sababatoo ah waxa si fudu u saamaynaya gacansiga xaqiiqda ku dhisan iyo ganacsi aan xqiiq ku dhisnayn, kaas oo aan kala jeclayn fa”iido iyo khaaso mararka qaa. Sidaa ayaa loo sameeyey hay’adda FATF, si loola dagaalamo lacag-dhiqista, wadamada aan ka shaqaynna ladagaalankana la geliyo liiska madow, kaas oo u keeni kara wadanla la geliyo in aan aduunku wax lacag ah kala macaamilin. ILAHA XOGTA ( References) Dr. Ahmed Abdel khalik “” الآثار الإقتصادية والإجتماعية لجريمة غسل الأموال Jaamacada Mansuura, 1997. John Wiley “ Handbook of Anti Money Laundaring ” First edition publisher 2014.John Madinger “ Money Laundering A Guide for Criminal Investigators ” Third Edition, CRC Press, 2012. QAAMUUSKA AF‒SOOMAALIGA diyaarintii Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, RomaTRE-PRESS 2012. .Dr.Waliid Cabdi Xayi “”غسل الأموال في الاقتصاد السياسي العالمي waxaa daabacay “مركز الزيتونة للدراسات والاستشارات في بيروت” July/2023.John Wiley “ Handbook of Anti Money Laundaring ” First edition publisher 2014. Jonathan Turner “ Money Laundering Prevention ” Detering, Detection and Resolving Financial Frau. published by John Wiley & Sons. Inc, Hoboken, New Jersey. Dr. Waleed Alhosani “ Anti-Money Laundering ” A comparative Critical Analisis of the UK and UAE’s Financial intelegence units. Palgrave Studies in Risk, Crime & Society 2016. Xeerka la dagaalanta Lacag-dhiqista Dowlada Imaaraatka Carabta ee soo baxay 2002. Xeerka la dagaalanka lacag-dhiqista ee Dowladd Kuweyt ee soo baxay 2002. Xeerka la dagaalanka lacag-dhiqista ee Dowladda Masar ee soo baxay 2002. Xeerka la dagaalanka lacag-dhiqista ee Dowladda Faransiiska ee soo baxay 1996. Xeerka la dagaalanka lacag-dhiqista ee Dowladda Suudaan ee soo baxay 2003. Xeerka lacag-dhiqista ee Dowladda Liibiya ee soo baxay 2005. Xeerka lacag-dhiqista ee Dowladda Baxrayn ee soo baxay 2001. Xeerka la dagaalanka lacag-dhiqista ee Dowladda Qadar ee soo baxay 2002.إبراهيم محمود محمد بن عبد الرحمن ” جريمة غسل الأموال في القانون الإماراتي والقانون المقارن ” رسالة لنيل درجة الدكتوراة في الحقوق، جامعة الإسكندرية ، 2009 .جلال وفاء محمدين ” دور البنوك في مكافحة غسيل الأموال “” ، دار الجامعة الجديدة للنشر، الإسكندرية ، مصر ، ط 2004 .د. جلال وفاء محمدين ” دور البنوك في مكافحة غسل الأموال ” دار الجامعة الجديدة للنشر ، 2004 .مصطفي طاهر ” المواجهة التشريعية لظاهرة غسيل الأموال المتحصلة من جرائم المخدرات ” مطابع الشرطة للطباعة والنشر للطباعة والنشر والتوزيع ، القاهرة ، ط 2022 .د. محمد سامي الشوا ” السياسة الجنائية في مواجهة غسل الأموال ” دار النهضة العربية ، القاهرة ، 2001 .عبد محمود هلال السميرات ” عمليات غسل الأموال بين الإقتصاد الوضعي والإقتصاد الإسلامي ” رسالة ماجستير في الإقتصاد والمصارف الإسلامية ، قسم الإقتصاد والمسارف الإسلامية ، جامعة اليرموك ، 2003 .

Xusuusin ku saabsan daabacaadda

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waa maqaal waxbarasho oo la soo gudbiyey. Qodobbada sharciga, lambarrada qodobbada, tarjumaadda iyo xaaladda sharciga ee hadda jirta waxay u baahan yihiin xaqiijin iyo dib-u-eegis qareen. Ma aha talo sharci oo ku saabsan xaalad gaar ah.

Qoraalka asalka ah waxaa loo keydiyey sidii loo soo gudbiyey. Qoraalka iyo sawirrada waa in la hubiyaa in oggolaansho dib-u-daabacaad loo haysto.